Haweeney weerar afka ah ku qaaday seygeeda oo madaxweyne caana ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Caasha Buhari oo ah marwada Madaxweynaha Dalka Nigeria ayaa markii ugu horeysay dhaliishay aragti laga filankaro Seygeeda Mohammedu Buhari taa oo la xiriirta in mar kale uu isu soo taago Madaxweyninimada dalka Nigeria.

Caasha Buhari, waxa ay sheegtay inaysan aqbali doonin in Seygeeda Mohammedu Buhari uu mar kale kusoo laabto xilka, balse waxa ay taa bedelkeeda xustay keliya inay taageeri doonto haddii uu la imaado isbedel.

Waxa ay sheegtay in Seygeeda Mohammedu Buhari uu hadda ku talaabay fulinta balamihii uu qaaday balse ay fiiro gaara u yeelan doonto waxa uu qaban doono inta u harsan.

Caasha Buhari ayaa sheegtay in madaxweynaha uu xilal u magacaabay shakhsiyaad aan aaminsanayn afkaarta xisbiga talada haya ee APC.

Caasho Buhari ayaa u sheegtay saygeeda inay tahay inuu wax ka dhagaysto taagerayaashiisii soo garab istaagay xiligii lagu jiray olalaha doorashada.

Haddalka Caasho Buhari ayaa lagu tilmaamay mid ay taageero ugu sameyneysay Seygeeda, sidoo kalane ay u hadleysay kuwa isaga taageersan balse aan cod la gaari karin Mohammedu Buhari.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com