Madaxweynaha Nigeria oo si jees-jees ah uga jawaabay hadal xaaskiisa kasoo yeeray

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Nigeria Mohammedu Buhari, ayaa si jees jees ah ugu jawaabay haddal kasoo yeeray Xaaskiisa Caasha Buhari.

Madaxweynaha Dalka Nigeria oo u jawaabaaya Xaaskiisa ayaa yiri ”Xaaskeyga waa inay ku ekaato howlaha jikada soona dhaafin xadkeeda”.

Waxa uu intaa Madaxweynaha hadalkiisa ku daray ”Ma garanayo xisbiga ay xaaskeyga ka tirsan tahay balse waxaan ogahay inay ka tirsan tahay jikadeyda, fadhigeyga iyo qolkeyga kale”.

Mohammedu Buhari, waxa uu sidoo kale sheegay Isagoo dhoola-caddaynaya in shaqsi ahaantiisa uu aad uga khibrad badan yahay Xaaskiisa iyo dhinacyada mucaaradka ah.

Nuqul kamid ah hadalkiisa ayaa ahaa ”waxaan khibrad ahaan ka dheereeya xaaskeyga iyo mucaraadkaba maadama aan u soo tartamay madaxtinnimada dalka seddax jeer markii afaraadna aan ku guuleystay”

Madaxweyne Buhaari waxa uu xaaskiisa faray inaysan kusoo xadgudbin amuurihiisa gaarka ah, balse ay mudan tahay inay ku ekaato howlaheeda dumarnimo oo keliya.

Haddalka Madaxweyne Buhaari uu ugu jawaabayo Xaaskiisa ayaa u muuqanaaya mid carro ka keentay Madaxweynaha maadaama uu hadalkiisu ahaa mid aad u kulul.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com