Xog: Xiriirka madaxtooyada iyo hor-istaaga shirka Jowhar

JOwhar (Caasimada Online) – Maalintii shalay gelinkii dambe maleeshiyaad hubeysan ayaa la wareegay hoolka shirarka maamulka loogu sameynayo Hiiraan iyo SHabeelaha Dhexe.

Ciidamadaasi ka tirsan dowlada balse ka amar qaata shaqsiyaad gaar ah ayaa la sheegay in lagu amray iney la wareegaan amaanka goobta shirka uu ka dhacayo.

Sababta ka dambeysa ayaa ah in qaar kamid ah musharixiinta madaxweyne ku xigeenka maamulka oo kasoo jeeda Beesha Abgaal ay ka warheleen shaqsiyaga madaxtooyada Soomaaliya la damacsan tahay inuu noqdo madaxweyne ku xigeenka maamulka iyo madaxweynahaba.

Madaxtooyada ayaa xildhibaanada ku qasabtay iney madaxweyne u doortaan Musharax Cosoble, halka ku xigeenna loo qorsheeyay Cali Guudlaawe, taasi oo musharixiinta qaar ka careysiisay.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa la aamisan yahay iney dhaqaale kusoo saareen gudoomiyaha baarlamaanka Mr Barre, oo si weyn loo yaqaan heerkiisa nololeed.

Shirka ayaa wali hakad ku jiro lamana oga sida lagu xalin doono musharixiinta madaxweyne ku xigeen ee ka careysan waxa socdo.

Xilka madaxweyne ku xigeenka oo ay leeyihiin beelaha Abgaal ayaa waxaa isku heysta beelaha Warsangeli iyo agoonyar, halka madaxaweynaha ay leeyihiin Xawaadle.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
Caasimada@live.com