Beeshii ugu horeysay oo kasoo horjeesatay maamulka Hir-Shabeelle

Jowhar (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaayo dhaliilo xoogan oo loo jeedinaayo Dowlada Federaalka ah ee Somalia, kadib markii la sheegay in dhismaha maamulka cusub Hir-Shabelle ay ku xaqirtay beelo dhowr ah oo deegaan ahaan dega Gobolka Sh/Dhexe.

Nabadoon Fikak Cali Cumar oo ah Nabadoonka Beesha Eritrea ee Somalia, ayaa sheegay in Beeshiisa lagu dulmiyay dhisida maamulka Hir-Shabelle.

Nabadoon Fikak waxa uu sheegay in ka beel ahaan ay degaan magaalada Jowhar ka hor Dowladii Siyaad Barre ilaa iyo iminka, waxa uuna cadeeyay in DF aysan Beeshiisa siinin xuquuqdii ay ku lahaayen maamulka Hir-Shabelle.

”Ma fahmin sababta rasmiga ah oo ay DFS uga gaabineyso xuquuqda Beesha eritrea ee aan matalo waayo waxaan kamid nahay Beelaha dega Jowhar inta badan beelaha kale wey qaaten xuquuqdooda marka waxaan jeclaan lahaa in dowladu ay noo cadeyso sababta ay xuquuqda Beesha uga tagtay”

”Dowladu waxaan ka dooneynaa inay nala sinto beelaha aan ku xuquuqda nahay, waayo anagu manihin ajaanib ee waxaanu nahay muwaadiniin dabcan muwaadinku xuquuq ayuu leeyahay waa inaanu maamulka ka helnaa kuraas cayiman oo aanu ku tashankarno sida beelaha kale ay ugu tashtaan”

Nabadoon Fikak waxa uu sheegay in dowlada Somalia ay ka dalbanayaan inay dib u eegto taariikhda ay Beeshiisa ku leedahay dalka oo aan loola dhaqmin sida Beel ajnabi ah.

Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ayuu ugu baaqay inay dib u eegto Dastuurka dalka oo qeexaaya in Beeshiisa ay xaq u leedahay inay hesho xuquuqdeeda.

Nabadoon Fikak waxa uu sidoo kale su’aal ka keenay sababta ay DFS, uga meermeereyso kursiga ay Beesha eritrea ku leeyihiin Baarlamaanka weyn ee Somalia, waxa uuna carab dhabay in Beesha eritrea ay horay kuraas ugu laheyd Baarlamaanadii dalka soo maray, sida uu hadalka u dhigay.

Haddalka Nabadoon Fikak Cali ayaa imaanaya iyadoo Beesha ay cabashooyin farabadan u gudbisay Madaxweynaha Somalia, Ra’isul wasaaraha iyo Qaar kamid ah Xubnaha Baarlamaanka Somalia, hayeeshee aan wax jawaab ah laga soo bixin codsigooda.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
Caasimada@live.com