DF oo shaacisay xiliga la dooran doono madaxweynaha Hirshabelle

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa dib u dhac ku imaaday doorashada Madaxweyninimo ee maamulka Hir-Shabeelle oo ay ku mideysan yihiin maamul Goboleedyada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.

Dib u dhaca ayaa waxaa la sheegay inuu ka imaaday arrimo farsamo aawgeed, waxa ayna Wasaarada arrimaha dibadda shaacisay in doorashada ay aheyd maalinta Sabtida, balse ay u dhacday maalinta xigta oo Axada ah kuna beegan 16 Bishan.

Wasaaradu waxa ay sheegtay inay ka go’an tahay dhameystirka howlaha maamulka, waxa ayna carab dhawday in goobta ay ka dhici doonto doorashada Madaxweynaha ay goobjoog ka noqon doonaan mas’uuliyiin farabadan oo ka kala tirsan DF iyo Marti sharaf kale.

Wasaaradu waxa ay sheegtay in doorashada aysan dhaafi doonin 16 Bishan, iyadoo laga fogaan doono wixii dhaliil ah.

Madaxweynaha cusub ee maamulka ayaa goortii la doorto kadib waxaa lagu wadaa in durbo uu kasoo dhiso Golahiisa Wasiirada, si maamulka cusub uu qeyb uga noqdo doorashada guud ee dalka.

Docda kale, Beelo dhowr ah ayaa dhaliilsan qaabka loo dhisay maamulka cusub Hir-Shabeele waxaana lasoo sheegayaa inay jiraan Qabaa’ilo dhowr ah oo aan lasiin xuquuqda ay ku lahaayen maamulka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com