CC oo Guuleed hordhigay qorshe lagu joojin karo xiisada Gaalkacyo

Cadaado (Caasimada Online) – Shir gaar ah oo u dhaxeeyay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C.rashiid Cali iyo madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa ka dhacay magaalada Cadaado.

Shirkaasi ayaa looga hadlayay xiisada wali ka taagan magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, taasi oo sababtay in kumanaan dad ah ka barakacaan magaalada Gaalkacyo.

Cumar C/rashiid ayaa u sheegay C/kariin Xuseen Guuleed qorshe looga baaqsan karo dagaalo kale oo ka dhaca magaalada Gaalkacyo, waxaana ugu horeeyay in la qaato nabad oo ciidamada la kala qaado.

Madaxweyne C/kariin Guuleed, oo saxaafada shalay kula hadlayay magaalada Gaalkacyo wuxuu sheegay in maamulkiisa mar walbaa diyaar u yahay dhameynta xiisada ka taagan magaalada Gaalkacyo.

Safarka Cumar C.rashiid ee magaalada Cadaado ayaa soo dedejisay waqtiga lagu jiro oo ah u diyaar garowga doorashooyin dalka ka dhaca iyo xiisada ka taagan magaalada Gaalkacyo oo u baahan in la damiyaa.

Cumar C/rashiid wuxuu ugu baaqay shacabka Mudug iney nabad ku wada noolaadaan oo aysan markale ku dagaalamin magaalada Gaalkacyo.

Caasimada Online
Xafiiska Galgaduud
Caasimadaa@live.com