Maxaa kasoo baxay wadahadalkii R/W Sharmaarke iyo Galmudug

Cadaado (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa kulan aan caadi aheyn la qaatay Madaxda ugu sareysa maamulka Galmudug.

Kulanka Ra’isul wasaare Cumar iyo Madaxda maamulka ayaa salka ku hayay xal u helida dagaalka dhiiga badan ku daatay ee u dhexeeya Galmudug iyo Puntland.

Ra’isul wasaare Cumar ayaa madaxda maamulka ka dalbaday inay qaatan wadahadalka lagu qaboojinaayo dagaalka waxa uuna ugu baaqay inaysan ka hor imaan dadaalka isaga iyo wafdigiisa ay wadaan.

Ra’isul wasaaraha waxa uu madaxda maamulka u sheegay in lagama maarmaan ay tahay in la qaato waan-waanta waxa uuna ka dalbaday in dib loogu laabto Heshiiskii horay ay labada dhinac u kala saxiixdeen.

Madaxda maamulka Galmudug ayaa soo dhaweysay dalabka kaga imaaday dhanka DFS, waxa ayna cadeeyen inay qabaan mowqifka ah xal u helida colaada taagan.

Madaxda maamulka waxa ay sidoo kale soo dhaweysay in dib u milicsi ay ku sameeyan Heshiiskii horay ay ula saxiixdeen Puntland.

Waxa ay Ra’isul wasaare Cumar u ballanqaaden inaysan hadal kasoo celin doonin wadahadalka waxa ayna cadeeyen in Heshiiska kadib ay dib usoo dajin doonaan ciidamada furumaha ka jooga ee dagaalka kula jira Puntland.

Dhinaca kale, Ra’isul wasaare Cumar waxa uu kulamo kale la yeelan doonaa Puntland waxaana lagu rajo weyn yahay in dhankooda ay ka aqbali doonaan dadaalka uu wado Sharmaarke.

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
Caasimada@live.com