Galmudug oo sabano ku garaacday xarun ay Puntland ka howlgalineysay ciidamo

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Waxaa goordhow dib u bilowday Dagaalka u dhexeeyay ciidamada Puntland iyo Galmudug kaasi oo Hubka culus leysu adeegsanaayo.

Dagaalka ayaa bilowday kadib markii ciidamada Galmudug ay Hub ku garaacen Saldhig ay ku sugnaayen ciidamada Puntland, waxaana ka jawaabay ciidamada Puntland.

Hubka ugu culus ee leysu adeegsanaayo ayaa waxaa ridaaya ciidamada Galmudug oo iyagu la sheegay inay ku hormareen dagaalka socda.

Ciidamada Galmudug ayaa la sheegayaa in qorayga loo yaqaan Sabanka ay dhexda u dhigeen Ciidamo ka tirsan Puntland kuwaasi oo dagaalka loo kala qeybinaayay.

Khasaaro lixaad leh ayaa la sheegay inuu ka dhashay dagaalka waxaana iminka ay dhaawacyadu yihiin kuwo buux dhaafiyay Isbitaalada magaalada Gaalkacyo.

Isbitaalka Koonfurta ayaa la geeyay meydka 6 kamid ah ciidamada, halka dhaawacyada la gaarsiiyayna ay gaarayaan ilaa 13 kuwaasi oo u badan ciidamo.

Ciidamada Galmudug ayaa iminka dib uga siqay goobtii ay saacad un ka hor ka dagaalamayeen, waxa ayna Puntland fursad ku raadineysaa Gaadiidka dagaalka Galmudug oo goobaha dagaalka gaaf wareegaya.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Dagaalka, balse waxa ay labada dhinac kala sheeganayaan guulo.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
Caasimada@live.com