Dagaalka Gaalkacyo oo isku rogay ganacsi iyo dhaqaale urursi (Arrin cusub)

Muqdisho (Caasimada Online) – Xili dhawaanahaani magaalada Gaalkacyo ay ku dagaalamayeen ciidamada kala taabacsan Galmudug iyo Puntland ayaa waxaa hadda soo baxaaya warar sheegaya in qaboojinta dagaalka uu isku bedelay Ganacsi iyo dhaqaale uruursi.

Wararku waxa ay sheegayaan in maamulka Puntland ay gacanta ku hayaan maxaabiis shibil ah kuwaasi oo deysmadooda lagu xiray dhaqaale adag, halka Galmudug ay iyana dhaqaale ku xirtay Hub ay ka qabsadeen Puntland.

Dhalinyarada ay Puntland ku raadineyso dhaqaalaha ayaa la sheegay in gacanta lagu dhigay iyagoo u kala gooshaaya labada dhinac ee uu dagaalka ka dhexeeyo.

Dhalinyaradaani ay Puntland ku furdaamineyso dhaqaalaha ayaa waxa ay gacanta ugu jiraan Saraakiisha hogaamineysa ciidamada Puntland furunta dagaalka ka jooga.

Dadkaani lagu raadinaayo madax furashada ayaa isugu jira dhalinyardo ay da’aadooda u dhexeyso 18 ilaa 25, kuwaasi oo deegaan ahaan kasoo jeeda Galmudug.

Sidoo kale, Galmudug ayaa iyana gacanta ku dhigtay Hub ay ka furteen ciidamada Puntland, waxa ayna bixinta Hubkaasi ku raadinayaan dhaqaale xoogan maadaama iyaguba laga heysto gaadiid dagaal.

Colaada labada maamul ayaa u muuqaneysa mid Ganacsi isku bedelay, waxaana iminka degan jawiga magaalada Gaalkacyo oo ay colaad ka taagneyd.

DFS ayaa quus ka taagan xal ka dhex abuurida labada maamul si loo qaboojiyo dagaalka soo laalaabtay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com