Ciidan Gaalkacyo ku wajahan oo lagu diyaarinayo Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Somalia, ayaa bilowday diyaarinta ciidamo ka tirsan Milliteriga oo loo qaadayo magaalada Gaalkacyo kuwaasi oo dhex dhexaad looga dhigi doono ciidamada Galmudug iyo Puntland ee uu dagaalka u dhexeeyo.

Ciidamadaani loo qaadayo magaalada Gaalkacyo ayaa tirro ahaan lagu sheegay inta u dhexeysa 100 ilaa 200 kuwaasi oo saldhigyo KMG ah looga sameyn doono xadka kala qeybsha maamulada Galmudug iyo Puntland, gaar ahaan dhinaca Gaalkacyo oo ay colaada ka taagan tahay.

Dowladu waxa ay sheegtay in ciidamadaani halkaasi loo geyn doono si looga hortago xiisadaha iyo dagaalada weli ka sii soconaya magaaladaas.

Ciidamadaani ayaa waxaa qeyb ka noqon doona kuwo ka soo kala jeeda labada maamul oo ay dirirtu u dhexeyso balse iminka ka howlgala magaalada Muqdisho iyo Gobolada kale ee dalka.

Ciidamadaani ayaa waxaa magaalada Muqdisho looga daadgureyn doonaa diyaarado dagaal oo ay leedahay AMISOM, waxaana lagu wadaa in gudaha Asbuucaani loo sameeyo Taliye ciidan.

Tallaabadaani ayaa kusoo beegayaa iyadoo ay Magaalada Gaalkacyo ka barakaceen dhammaan shacabkii ku noolaa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com