Liiska magacyada xubnaha aqalka sare iyo kan hoose ee beesha Xasan Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha Wacaysle Abgaal ayaa Guddiga Doorashadda Galmudug si rasmi ah ugu gudbisay Liiska Musharixiinta u mataleysa Labada Aqal ee Barlamaanka.

Liiskaani ayaa waxaa Guddiga u gudbiyay Odayaasha Dhaqanka Beesha Wacaysle kuwaasi oo xubnahaasi kusoo xushay qaab is afgarad ah kuwaasi oo uga mid noqon doona Musharixiinta labada Aqal.

Odayaasha Beesha oo kulamo dhowr ah isku arkay ayaa isku raacay in Jufada C/raxmaan Saleebaan ay qaatan Kursiga Beesha ku leedahay Aqalka Sare, Halka Jufooyinka Macallim Dhiblaawe, Cali Gaaf iyo Absuge qeybsadeen Seddexda xubin oo ay Beesha Wacayle ka heleen xubnaha Aqalka Hoose ee BFS.

HOOS KA AKHRISO QAABKA AY U KALA QAATEN

Beesha Waceysle waxaa kursiga Aqlka Sare u tartameysa xubnaha kala ah:

1-Samsam Daahir Maxamuud

2-Khaliif C/qaadir Macallim Nuur Siyaad

Sidoo kale, waxaa Beesha Waceysle Seddexda kursi ee Aqalka Hoose ee BFS u loo lameysa Xubnaha kala ah:-

1-Xildhibaan Caddow Cali Gees

2-Axmed-nuur Sheekh Yuusuf Guuleed

3-Xildhibaan C/llaahi Cali Gadafeey

4-Saadaq Macallim C/kariim

5-Maxamed Ibrahim Cali “Maxamed Cajiib”

6-C/llaahi Cali Xasan.

Xubnaha u kala loolameysa labada Aqal ayaa waxaa horyaal loolan adag oo suuragalinkara Fashil iyo Guul maadaama ay kala mudan yihiin.

Dhinaca kale, Beesha waxa ay naawileysaa haddii ay jiraan dhaliilo ka imaankara dhanka Guddiga Doorashadda Galmudug.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com