Riyadh (Caasimada Online) – Waxaa walaac laga muujinayaa xaalada uu ku sugan yahay dhaxasugihii hore ee Sacuudiga Maxamed bin Naayif oo la sheegay in xabsi guri laga dhigay tan iyo markii xilka laga qaaday.
Qoraalo kasoo baxay Hay’adaha u dooda xuquuqul Insaanka oo gaaray Xafiiska Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudiga Al-Jubeyr, ayaa waxaa lagu dalbaday in la cadeeyo asbaabaha loo heysto dhaxasugihii hore ee Sacuudiga Maxamed bin Naayif.
Qoraalka gaaray Xafiiska Wasiirka ayaa waxaa lagu muujiyay in xaalad halisa la galiyay dhaxasugihii hore sidaa darteedna la doonaayo in banaanka lasoo dhigo xaqiiqda xirnaanshiyaha dhaxasugihii hore, iyadoo aan la raaceynin waxyaabaha lagu faafiyay Wargeysyda.
Hay’aduhu waxa ay sheegen in dowlada Sacuudiga lagula xisaabtami doono dhib waliba oo gaara dhaxasugihii hore ee Sacuudiga Maxamed bin Naayif.
Waxaa lagu muujiyay qoraalka inay jiraan dhibaatooyin baaxad leh oo ka fog xuquuqul Insaanka in loo geystay dhaxasugihii hore lana doonaayo in dhibaatada ceynkaasi ah lala wadaago Hay’ada.
Wargeyska New York Times ayaa goor sii horeysay daabacay qoraal la xiriira in Maxamed bin Naayif iyo gabadh uu dhalay xabsi guri laga dhigay loona diiday inay dalka ka baxaa.
Isla warbixinta Wargeyska ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in la amray in ilaaladii hore ee Maxamed Naayif la badalo isla markaana lagu badalay ilaalo cusub oo laga soo xulay Booliska ka howlgala qasriga Jiddah.
Sidoo kale, asbaabaha xariga dhaxasugihii hore ee Sacuudiga Maxamed bin Naayif, ayaa lagu sheegay inuu xiriir la leeyahay afganbi cusub oo lagu sameeyay dhaxasugihii hore.
Dhinaca kale, dowlada Sacuudiga ayaa ka meermeereysa ka warbixinta xaalada dhabta ah ee dhaxasugihii hore ee Sacuudiga Maxamed bin Naayif oo iminka ku jira Xabsi guri.
Ogeysiis
Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.
Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka. HALKAN CLICK SII
iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII
Caasimada Online
Xafiiska Jeddah
[email protected]