Xog: Yaa xaliyey sideese lagu xaliyey xiisaddii dilka taliye Ciise Jiijiile?

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan wararkeena hore ku sheegnay waxaa xal hordhac ah laga gaaray shilkii lagu dilay Taliye ku-xigeenkii NISA ee qeybta Gobolka Banaadir Ciise Jiijiile, oo shalay Muqdisho lagu aasay.

Xalka hordhaca ah ee lagu aasay marxuumka iyo Ilaaladiisa ayaa waxaa keenay Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo, oo saacadihii ugu danbeeyay aaska ka hor ku biiray xalinta, lana hadlay odayaasha beesha Murusade ee uu ka dhashay.

Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa beesha uu kasoo jeeday Marxuumka iyo ilaaladiisa ku qanciyay in la aaso isla markaana la dhameystiro wadahadalka harsan, arrintana loo daayo dowladda Soomaaliya oo baaritaan ku wadda.

Madaxweynuhu waxa uu beesha Marxuumka u ballanqaaday in sharciga la horgeyn doono dhammaan shaqsiyaadka loo xiray kiiska, haddii la xaqiijiyo inay dambi galeen, isla markaana baaritaanka ku socda tuhmanayaasha laga war sugo.

Ballanqaadka Madaxweynaha ayaa sababay in la aaso Marxuumka, isla markaana lagu qanciyay in Xafiiska Madaxweynaha uu yahay mid u furan Odayaasha ka socda dhanka Marxuumka ee ku guda jira xalka.

Ra’isul wasaare Kheyre oo muddo laba cisho ah ku guda jiray arrinta qancinta beesha Marxuumka ayaa ku guul dareystay inuu xaliyo arrintaas, inkasta oo uu beeshaas ka soo jeedo.

Kheyre iyo Odayaasha Beesha ayaa isku qabtay lacag diyo ah oo uu sheegay inuu ka bixinayo Marxuumka isagoo matalaaya Qaranka, waxaana qaadacay Odayaasha, oo u arkay gaf lagu sameeyey.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Jeddah
Caasimada@live.com