Qarax nooca dhulka lagu aaso oo ka dhacay Muqdisho iyo baabuur BL ah oo…

Muqdisho (Caasimadda Online) – Qarax Culus oo dhawaaqiisa laga maqlay meelo ka mid ah magaalada Muqdisho ayaa goor-dhaw ka dhacay Degmada Hiliwaa ee gobalka Banaadir waxaana lagu soo waramayaa in uu ka dhashay qasaaro dad shacab ah soo gaaray.

Qaraxa oo ahaa miinada Nuuca dhulka lagu aaso ayaa la sheegay in la giliyay dhinaca laamiga meel ku dhaw Ex Control Balcad waxa uuna haleelay gaari Shacab ay saarnaayeen.

Goob jooge ku sugan halka uu qaraxa ka dhacay ayaa sheegay in Gaari B.L ah uu haleelay Qaraxa ayna jiraan dad shacab ah oo qasaaro soo gaaray in kastoo aan la ogayn inta ay gaarsiisan tahay.

Goob joogaha ayaa sheegay in indhihiisa ay qabteen dhaawaca ilaa 3 qof oo qaarkood xaaladooda liidato kuwaas oo laga soo dhax bixiyay Gaarigii ay saarnaayeen.

Ciidamo ayaa goobtaasi gaaray waxana loo diiday gaadiidka iyo dadka

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska  Muqdisho
Caasimada@live.com