Arrin cusub oo kusoo biirtay mooshinka XASAN

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararkii ugu danbeeyay ee aan ka heleyno dhanka Xafiiska Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa sheegaya in Jawaari uu ku guul dareystay rajadii laga lahaa xal u helida Mooshinka ka dhanka ah Madaxweyne Xassan.

Wararku waxa ay tibaaxayaan in Xildhibaano ka tirsan kuwii horay uga laabtay Mooshinka ay dib usoo laba kacleeyen Mooshinkooda islamarkaana Jawaari u sheegen in balanku uusan aheyn in warbaahinta uu ka sheego in xal laga gaaray Mooshinka xili wadahadalka uu qabyo yahay.

Xildhibaanadaasi qaarkood ayaa la sheegayaa inay soo rogaal celiyeen Mooshinkooda kadib markii ay aad uga carooden go’aanka uu kaligii qaatay Jawaari.

Kulan ka dhacay Magaalada Muqdisho oo u dhexeeyay Xildhibaano dhowr ah oo ka tirsan garabka Mooshinka kaga soo horjeeda Madaxweyne Xassan Sheekh kuwaasi oo si gaar ah uga arinsanaayay talaabada ku haboon Xassan Sheekh oo ay horay usii qaadi lahaayen iyaga oo baalmaraayo Gudoomiye Jawaari.

Xildhibaanadaani oo maalmahaan ka mashquulsanaa arrinta Mooshinka ayaa iminka dib usoo labakacleeyay kadib markii Jawaari uu jiifka ka toosiyay.

Arrintaani oo idil ayaa muujineyso in Jawaari uu ku fashilmay qoraalkii ugu danbeeyay ee uu kasoo saaray Xal u raadinta Mooshinka Xassan Sheekh, waxaana cabsi laga qabaa inuu sii xoogeysto Mooshinka daahay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com