Wasaaradda amniga DF oo u hanjabtay hoteello

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaarada amniga xukuumada Soomaaliya ayaa markale digniin u dirtay hoteelada ku yaala magaalada Muqdisho ee aan fulin amara horey ay usoo saartay wasaarada amniga ee la xiriiray dhanka amaanka.

Wasaarada ayaa sheegtay in horay amaro ka kooban afar qodob ay kusoo rogtay hoteelada magaalada Muqdisho, iyadoo laga doonayo hoteelada fulinta amarada kasoo baxy wasaarada amaanka ee xukuumada Soomaaliya.

Afhayeenka wasaarada amniga Maxamed Yuusuf, oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in hoteelkii aan fulin markale amarka wasaarada in dowlada Soomaaliya ay talaabo sharci ah ka qaadi doonto.

Amarada kasoo baxay wasaarada ayaa kala ah:-

In hoteeladu sameystan kaamirada CCTV oo hore iyo gadaalba wax ka duubi karta

In hoteeladu lee yihiin daafacyo adag oo ay ku lee yihiin afaafka hore ee hoteelada

In hoteeladu ka masuul yihiin ammaanka macaamiisha, ayna lee yihiin ciidan sugga ammaanka

In hoteeladu lee yihiin laba albaab, haddii dhibaato dhacdo, si albaabka kale looga baxo.

Amarkaasi ayaa hadda laga sugayaa iney dhagan geliyaan dhamaan hoteelada ku yaala magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com