GAAS oo wajahaya xaalad halis ah kaddib markii taliyaha ciidamada Puntland uu ku hanjabay in…

Garoowe (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Puntland Sareeye Guuto Siciid Maxamad Xirsi (Siciid Dheere) ayaa wareysi uu siiyey Radio Daljir sheegey in aan laga aamusnaan karin mushahar la’aanta ragaadisey ciidamada Darwiishta iyo Booliska Puntland.

Siciid Dheere oo markii ugu horeysay ka hadley mushahr la’aanta ciidamada Puntland ayaa ku tilmaamey iney tahay waxaan loo dulqaadin karin in madaxda dowlada tiraahdo in ciidamada xaqooda ma maqna balse uusan arinku sida kale yahay.

Taliye Siciid Dheere ayaa ku hanjabay inuu xilkaan uu iska casilayo hadaan si deg deg ah wax looga qaban mushahar la’aanta haysata ciidamada Puntland.

Hadlka taliyaha ayaa yimdi maalmo kadib markii madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamad Cali Gaas diidey ineysan jirin mushahar ka maqan ciidamada Puntland isaga oo shegeey in kuwa gadoodka sameeyey maalmihii laoso dhaafey dowlada la xisaab tami doonto.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com