SAWIRRO: Taliyaha guud ee ciidamada Midowga Yurub oo maanta gaaray magaalada Beledweyne

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan gaaray Saraakiil uu hogaaminaayay taliyaha guud ee ciidamada Midowga Yurub General Patrick De Rousiers.

General Patrick De Rousiers, ayaa Magaalada Beledweyne ku tagay Diyaarad gaar ah, waxaana socdaalkiisa ku wehlinaayay wakiilka Midowga Yurub ee Somalia Michele Cervone d’Urso iyo Saraakiil kale, iyadoona ay garoonka kusoo dhaweeyen Saraakiisha Dowlada Jabuuti ee qeybta ka ah AMISOM.

Mas’uuliyiinta soo dhaweysay ayaa waxaa kamid ahaa Taliyaha ciidamada Jabuuti Col. Abdulrahman Dhimbil waxa ayna galbin kadib kulan muhiim ah kuwada qaaten Xarunta Ciidamada Jabuuti.

Ujeedka ugu weyn ee booqashada General Patrick De Rousiers, ayaa ah u kuurgalida xaalada Ciidamada AMISOM iyo in Magaalada Beledweyne Tababar ciidan looga furo Ciidamo uu leeyahay Maamulka Hiiraan.
EU1

EU2

EU3

EU4

EU5