Mooshinka madaxweyne Xasan yaa maal-geliya?

Waxaa nasiib darro ah in xildhibaanada ka soo horjeeda Madaxweynaha aysan aqoon haba yaraatee u lahayn dustuurka dalka u yaalla iyo cidda u xilsaaran inay dabaqdo ama fasiraad ka bixiso. Guddooniye Jawaari waa nin aqoon buuxda u leh sharciyada ayna u dheertahay isagoo ah Guddoomiyha Golaha sharci dejinta, waa haddii ay magacaas u qalmaan. Nasiib darrada labaad waa dad ay hojooge u yihiin Godax Barre & Fowsiyo Xaaji oo dhaliilaya aqoonta Jawaari iyagoo ka filaayay inuu xagooda u soo janjeersado oo mooshinki baadilka ahaa oon wax sharci ah ku saleysneyn ee uu ka qabtay bilawgi bishi agoosto.

Sababta loo buunbuunihaayo mooshinka ma ahan in Xasan Sheikh looga horjeedo balse waa arrin intaas ka weyn sidi horey loo soo sheegay, iyadoo ujeedada ugu weyn ee laga leeyahay tahay in dhaqdhaqaaqa siyaasadeed lagu hakiyo, xukumadana lagu mashquuliyo si loo gaari waayo hiigsiga 2016, waxa inoo dhisanna ay burburaan..howlihi loo qondeeyay doorashooyinkana ay socon waayaan, markaasna ay dadweynuhu kacaan, nabadgelyadu ay khatar gasho, dowladuna burburto, kuwaan mooshinka xambaarsanna ay meelihi ay ka yimideen u cararaan markey xisaabtooda ka qaataan maalgeliyihi soo adeejiyay C/weli Gaas, xulufadiisa iyo dalalka ay u adeegaan.

Xildhibaannada mooshinka sita uma socdaan hadafkooduna ma ahan dan Somaaliyeed, waxayna u adeegaan dano dowlado gaar ah.Waxay Madaxweynaha ku eedeeyeen khiyaano (treason) ay aad iyo aad u adagtahay in loo helo caddeymo qeexaya si mooshinku u noqodo mid la aqbali karo. Dhinaca kale, waxaa sugnaatay inay ku jiraan dembi ka weyn kana khatarsan kan ay iyagu sitaan, waxaana ku caddaatay inay ka shaqeynayaan QARAN DUMIS kaddib markey xukumaddi iyo shacabki ku mashquuliyeen mooshin la soo dhoodhoobay oo been-abuur ah oon wax sal ah ku lahayn sharciga caddeymana aan loo heyn…haddaba, su’aasho waxay tahay waa maxay waxa ay ka faa’iidayaan ku dhegganaanta khaladka ay dhex dabbaalanayaan?

Dadka qaar waxay qabaan inay yihiin juhala la soo adeejiyay cid ay wax ka maqlayaana aysan jirin. Waxaa jira xadiith Nabi Muxammad عليه الصلاة والسلامoo dhahaaya

النبي بيت العلم وعلي با بها

Cali Bin Abi-Talib,Ilaahey raalli haka noqdee, wuxuu ahaa qofki ugu aqoonta badnaa ummadda ee adduunka soo mara, sida uu qiray Nabigenni Muxammad, Naxariis korkiisa ha ahaatee- inuu yiri ”Nabigu waa gurigii aqoonta Calina waa albaabka guriga…wuxuu yiri Sayyidinaa Cali ”

جادلت خمسين عالما فغلبتهم فغلبني جاهل واحد

”waxaan la dooday konton culuma ah waana ka adkaaday waxaase iga adkaaday hal jaahil” waayoo waxba kaa maqli maayo, waana tan na heysata oo dad aan aqoon lahayn ayaa dalki duminaaya oo weliba isla fiican oo isla gar leh.

Waxay rabaan in ummadda ay ku jaha wareeriyaan wax aan sal lahayn iyagoo weliba adeegsanaya TVyada uu ugu horreeyo Universal iyo qaar kale oo la siiyo lacago si ay u wareystaan warkoodana u buunbuuniyaan oo ay ka dhigaan howlo ummadda ay daneyneyso. Waryaa u sheega in dadweynaha Soomaliyeed ay daneynayaan wixi waxtar u leh, waana idin arkeen, waxaa tihiina waa garteen, danaha aad leedihiina waa la wada ogaaday iyo cidda aad u adeegtiin. Barlamaanka marki shan loo qaybiyo ayaa laga yaaba inaad qayb yar ka tihiin, afarta soo hartayna waa idinka soo horjeedaan, waxayna ka xishoodeen inay af-eber ah oo jahli iyo aqoon yari ay ka buuxaan aysan marna adegeysan.. ninbaa igu yiri ummaddu xildhibaanadaan aad ayey u neecen oo sanka ayey ka heystaan, qaarkood xildhibaanadu waa ogyihiin laakin dano gaar ah ayaa meesha ku haaya.

Qoladaan mooshinka wadata waxaa la hubsaday in waxa ay qaadan la’ayihyiin ay tahay horumarka ka socda dalka iyo xowliga aadka u dheereeya oo isbeddelka horseeday kaasoo ku yimid nabadda ka hirgashay dalka. Waa markii ugu horreysay muddo labaatan sano ah ay dadka dareemeen nabadgelyo iyo xasilloni ku timid dadaalka ay sameysay dowladda uu madaxa yahay Xasan Sheikh. Gobollada qaarkood waxay dhibsadeen horumarka ka socda caasimadda iyo gobollada kale oo aad iyo aad u dheereeya, hadduu sidaa ku sii socdana ay cadaawadu cill iyo calool-xumo u dhiman doonaan.

Waxaad moodaa in Madaxweynaha iyo af-hayeenka barlamaanka ay yihyiin dad mutawaadiciin ah oo qolada mooshinka wadata ay mooday in aamusnaanta madaxdu tahay daciifnimo..ma oga inuu awood buuxda u leeyahay Madaxweynaha inuu saacado kooban iyaga oo dhan uga takhalusi karyo hadduu awoodiisa dustuuriga ah adeegsado. Waxaa kaloo u furan madaxda dalka inay qaswadayaasha soo xoogeysanaya ay sharciga la tiigsadaan oo la soo taago maxkamad iyagoo ku eedeysan QARAN DUMIS iyo qowleysato cadaw ku ah degganaanshaha dalka iyo ummadda Somaliyeed. Ogaada xishoodka iyo dulqaadka madaxda dalka inuu xad leeyahay, hadduu xadka ka gudbana dad badan ay shallayi doonaan goor aan shallaay waxba tarin.

Qaswadayaashu awood uma laha inay barlamaan mooshin dambe geeyaan ama aadaan Maxkamada Sare, waayoo awoodi iyo aqoonti howlahaas lagu maareeyn lahaa waa ka arradan yihiin. Bal halla weydiiyo meesha ay la aadi rabaan mooshinkooda.

Haddaba, si hagardaamada iyo buuqa soo socda looga hortago waxaa naga talo ah in la mamnuuco shirarka qaswadayaasha ay ku qabanayaan hoteelada, markey qabtaana xasaanada laga xayuubiyo xabsigana la dhigo, waayoo danihii dalka iyo degganaanti ayey khatar geliyeen.

 W/Q: Cali Mubarak

ali_mubarak1@outlook.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid