CCC oo Xog ka bixiyay muhiimada shirka XASAN Sheekh iyo QM iyo qorshe la damacsan yahay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke  ayaa faahfaahin ka bixiyay shir looga hadlayo arimaha Soomaaliya oo ka dhacaya magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Shirka ayaa waxaa wada gudoomin doono madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud iyo xoghayaha guud ee qaramada Midoobay Ban Ki-moon, waxaana looga hadlayaa arimaha federaalka Soomaaliya.

Cumar C.rashiid oo Saxaafada kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in shirkaasi uusan noqon doonin sida hishiiskii Kampala accord oo uu xilkiisa ku waayay ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Hisiiskaasi ayuu rajo wanaagsan ka muujiyay C.rashiid Cali Sharma’arke, wuxuuna sheegay iney kasoo bixi doonaan waxyaabo dan ugu jirto ummada Soomaaliyeed, sida uu hadalka u dhigay ra’iisul wasaaraha dalka.

Ugu dambeyn ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in isagaba uu ka qeyb galayo shirkaasi laguna casuumay, wuxuuna ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iney is dajiyaan, maadaama xiisad siyaasadeed ay ka dhex jirto baarlamaanka Soomaaliya iyo madaxweynaha dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com