Xog: Mahad Cawad oo lagu cadaadinayo inuu la safto xildhibaanada mooshinka

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad oo ka mid ahaa mas’uuliyiinta sida hoose u abaabulay ee qeybta ka ahaa Mooshinka xil ka qaadista madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la sheegay in lagu cadaadinayo inuu qoraal ka horjeeda go’aankii guddoomiyaha Baarlamaanka ku laalay Mooshinka 25-kii Bishan uu soo saaro.

Mahad Cabdalla oo ku dhow 20 maalmood ku sugan magaalada Gaalkacyo socdaal mugdi badan hareeyay oo soo shaac bixiyay heshiiskii hoose ee kala dhaxeeyay maamulka Puntland oo maalgeliyay Mooshinka ayay rajo badan ka qabaan dhinacyada ku shirkoobay mooshinka inuu qoraal ka horjeeda kan Guddoomiye Jawaari soo saaro kuna shaaciyo inuusan Guddoonka Baarlamaanka u dhameyn qoraalka Jawaari.

Arrintan waxaa gadaal ka riixaya madaxweynaha Puntland iyo xildhibaanada hormuudka u ah mooshinka, laakiin Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka ayaa ka caga jiiday arrintan isagoo ku adkeysanaya inaysan munaasib ahayn arrintaasi oo xaaladda uga sii dareyso.

Lama oga inuu aqbali doono cadaadiska ay ku hayaan saaxiibadiis iyo in kale laakiin xildhibaanada mooshinka iyo madaxda Puntland ayaa rajeynaya inay arrintaasi dhacdo taasoo kaliya keeni doonta in Baarlamaanku sii kala qeybsamo.

isha goobjooge

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com