Arrin cusub oo ku soo korortay iscasilaadii Siyaad Maxamuud ee Villa Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) –  Waxaa soo baxayo warar cusub oo ku aadan qaabkii ay u dhacday iscasilaadii uu maanta sameeyey agaasimihii hab maamuuska Madaxtooyada Villa Soomaaliya Siyaad Maxamuud Shire.

Wararka ay hadda heleyso Caasimada Online ayaa sheegayo inuu waqtigii xilkiisa ka dhamaaday Siyaad oo markii horeaba ahaa kul meel gaar.

Wararka ayaa sheegayo inuu markii horeaba heshiiska xilkaas loogu magacaabay uu ku ekaa inta laga soo magacaabayo Ra’isul wasaaraha.

Xilkiisa ayaa dhamaanayey marka la ansixiyo Ra’isul wasaaraha cusub, midaasna waxay dhacday shalay oo arbaco aheyd.

Siyaad Maxamed ayaa illo ku dhaw madaxtooyada waxay xaqiijiyeen inuu hadda ku sugan yahay dalka Sacuudiga oo uu halkaas dib ugu laabtay.

Ninkaan ayaa la kulmayey tan iyo markii xilkaas loo magacaabay eedeymo ku aadan inuu ka qeyb qaatay xasuuqii ciidamada Itoobiya ay ka geysteen caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu dhawaan xilkaas u magacaabo shaqsi si joogta ah xilkaas u qabto.

Dhawan ayaan idinla wadaagi doonaa shaqsiyaadka u xusul duubayo inay helaan booskaas ah agaasimihii hab maamuuska Madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com