Su’aalo iyo walaac ka dhashay xiriirka R/W Kheyre iyo Uhuru Kenyatta

Muqdisho (Caasimada Online) – Aqoonyahanno ku shiray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaliya ayaa walaac ka muujiyey xiriirka dhow ee ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu la leeyahay dowladda Kenya.

Kulankan oo xalay ay ka qeyb-galeen illaa labaatan aqoonyahan ayey ku sheegeen in xiriirka dhow ee uu Xasan Kheyre la leeyahay madaxweyne Uhuru Kenyatta uu shaki iyo su’aalo badan dhalin karo, loona baahan yahay in macno badan laga bixiyo.

Ra’iisul wasaaraha ayaa muddoo waxaa saldhig u ahaa magaalada Nairobi, ayada oo marna lagu tuhmay inuu ahaa shaqsigii isku xiray Kenya iyo Norway, oo shirkado dalkeeda ka socda ay rabaan inay shidaal ka baaraan dhul badeedka Kenya ay haysato ee Somalia.

Waxa uu sidoo kale madax ka ahaa qeybta Afrika ee shirkadda Soma Oil and Gas, oo ka mid ah dulaaliinta dhulka badda Somalia ee Kenya ay qaadatay u raadinayey shirkado shidaal ka qoda.

“Arrintan waa mid xaqiiqdii walaac nagu haysa, ma lihin ra’iisul wasaaraha waa dambiile, waxaase jira walaac loo baahan yahay in la qaboojiyo. Waxaan jeclaan lahaa in la sharxo xiriirka ra’iisul wasaaraha iyo Kenya” Waxaa sidaa yiri aqoonyahan Cabdi Axmed Jaamac oo kulanka ka qeyb galay.

Prof. Maxamuud Xuseen Mataan, oo isna kulanka ka hadlay ayaa sheegay inay u baahan tahay in la is-weydiiyo sababta ra’iisul wasaaraha uu ula socday madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, maalinkii la caleemo saaray Farmaajo.

“Maalinkii Uhur Kenyatta Xamar u yimid caleemo saarka waxaa diyaaradda la saarnaa Xasan Cali Kheyre, subaxii ku xigtayna waxaa loo magacaabay ra’iisul wasaare. Dhihi maayoo Kenyatta ayaa magacaabista ka dambeeyey, balse waxaa jira arrimo shaki abuuraya” ayuu yiri.

Aqoonyahanada ayaa sheegay inay isku dayayi doonaan inay la kulmaan ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha, si arrimahan iyo walaacyada jira jawaabo loogu helo.

Caasimada Online waxay isku dayday inay la xiriirto ra’iisul wasaaraha, hase yeeshee taleefono badan oo xafiiskiisa aan u dirnay wax jawaabo ah kama helin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com