Exclusive: Agaasimihii hab maamuuska madaxtooyada oo is-casilay

Muqdisho (Caasimada Online) – War gaar ah oo hadda dhaw soo gaaray shabakadda Caasimadda Online ayaa xaqiijinaya inuu is casilay Agaasimaha hab maamuuska (protocol) madaxtooyada Siyaad Maxamuud Shire oo uu dhawaan xilkaas u magacaabay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Illo wareedyo ku dhaw dhaw xafiiska madaxweynaha ayaa noo xaqiijiyey inuu istiqaalada soo gudbiyey Siyaad Maxamuud Shire.

Illaa hadda lama xaqiijin sababta rasmiga ah ee keentay inuu Siyaad xilkiisa iska casilo.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa bartiisa Twitterka kusoo qoray markii uu xilkaan u magacaabayey inay tahay kumeel gaar.

Siyaad Maxamuud Shire ayaa markii xilkan loo magacaabay waxaa ka dhashay carro xooggan maadaama uu ka mid ah shaqsiyaadkii la socday ciidamadii Ethiopia ee xasuuqa ka geystay magaalada Muqdisho sanaddii 2007.

Waxa uu xiligaas aad ugu dhowaa ra’iisul wasaarihii hore ee Somaaliya Cali Maxamed Geedi.

Wixii warar ah ee kusoo kordha waan idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com