Xog: Xiisada Khaliijka oo Khilaaf cusub ka dhex abuurtay gudoomiyayaasha labada aqal ee BF

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Xiisada ka dhex aloosan wadamada Khaliijka uu Khilaaf ka dhex dhaliyay Madaxda ugu sareysa dalka.

Khilaafka u dhexeeya madaxda dalka ee ka dhashay Xiisada ayaa la sheegay in xoogiisa uu yahay mid u dhexeeya Guddoomiyayaasha labada Gole ee dalka.

Guddoomiyayaasha labada Gole ayaa Xiisada ka dhex aloosan wadamada Khaliijka ku kala jabay, waxaana la xaqiijiyay in Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari aanu la dhacsaneyn go’aanka ay dowlada Federaalka ka qaadatay Xiisada Khaliijka.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa isna la sheegay inuu aad uga soo horjeedo go’aanka dhigiisa baarlamaanka Federaalka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari uga soo horjeestay go’aanka ay dowlada ka qaadatay Xiisada Khaliijka.

Ilo lagu kalsoon yahay oo ka tirsan baarlamaanka Somalia ayaa xaqiijiyay in Jawaar uu la safan yahay Guddiga arrimaha dibadda baarlamaanka ee faraha kula jira in meesha laga saaro go’aanka ay DFS ka qaadatay xiisada.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa qaba in howlaha Khuseeya xiisada Khaliijka loo madaxbaneeyo Madaxweynaha Somalia iyo Ra’isul wasaaraha dalka oo iyagu gacanta ku haya masiirka Umadda Soomaaliyeed.

Xildhibaan ka tirsan Golaha Aqalka Sare oo aan arrintaasi kala hadalnay ayaa sheegay in Guddoomiyaha Aqalka Sare uu soo jeediyay in Guddoomiyayaasha labada Gole ay ku ekaadan howlaha loo egmaday oo baaxada leh.

Khilaafka ka dhex jira Xukuumada iyo baarlamaanka ayaa soo shaac baxaayay tan iyo markii uu furmay fadhiga baarlamaanka, inkastoo ay Xukuumadu tahay mid weli ku adkeysaneysa dafiraad.

Sidoo kale, Khilaafka ayaa soo shaac baxay kadib markii Guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari uu hakiyay ka qeybgalka munaasabadaha Xukuumadda ee lagu taageerayay waxqabadkeeda, sababo la xiriira Khilaafka yar ee taagan.

Si kastaba ha ahaatee, warbaahinta ayaa horay u soo shaac bixisay in uu jiro is uruursi ku aadan Mooshin ku soo wajahan Xukuumadda Ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com