‘Arrin halis ah oo ka jirta’ garoonka Aadan Cadde

Muqdisho (Caasimada Online) – Tala bixiyaha caafimaadka Covid-19 ee wasaaradda caafimaadka Dr Maxamed Maxamuud Fuje oo la hadlay wariyeyaasha ayaa shaaca ka qaaday arrin halis ah oo ka jirta garoonka Aadan Cadde, taasi oo uga sii dari karta soo laba-kacleynta cudurka faafa ee Coronavirus.

Dr Fuje ayaa sheegay in halista xanuunka uu kusii faafayo dalka oo dhan, islamarkaana loo baahan yahay in la qaado tallaabooyin deg-deg ah oo lagu xakameynayo Covid-19.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu jiro shaki laga qabo in dadka soo-galaya dalka, ee kasoo degaya garoonka Aadan Cadde inay wataan warqado been abuur ah oo muujinayo inuu qofka ka caafimaad qabo Covid-19 balse maalmo kooban kadib jirkooda laga helo xanuunka, sida uu hadalka u dhigay.

Tala bixiyaha caafimaadka Covid-19 ee xukuumadda Soomaaliya ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in ay dadkaasi xanuunka usii gudbayaan ehelladooda, islamarkaana ay sare u qaado kiisaska maalinlaha ee ay diiwan-geliso wasaaradda caafimaadka Soomaaliya.

“Garoonka Diyaaradaha waxaa waayihii dambe jiray tuhun la xiriira warqadaha ay wataan dadka kasoo degaya oo muddo kooban kadib xannuunka jirkooda laga helayo ama u gudbinaya ehelkooda, waa in la hubiyaa warqadaha ay wataan” ayuu yiri Dr Fuje.

Waxa kale oo uu soo jeediyey in markale hubin caafimaad la mar-siiyo dadka kala duwan ee ka imaanada dalalka uu haatan faraha ba’an ku hayo cudurka Coronavirus.

“Meelaha laga soo galayo waa in hubin caafimaad la mariyo oo la baaro, dhaqaalaha ku baxayo waa in laga qaadaa qofka, muddada xili huuriska cudurka waa in la dejiyaa hoteel gaar ah oo lagu hubiyo, halka qofka laga helo Covid-19 la geynayo goobaha u gaarka ah in bukaannada looga daweeyo,” ayuu sii raaciyey Dr Maxamed Maxamuud oo loo yaqaan Fuje.

Waalacan ayaa kusoo beegmaya, xilli uu Soomaaliya mar labaad kusoo laba-kacleeyey xanuunka Covid-19, waxaana saameyntiisa laga dareemayaa magaalada Muqdisho.