Mahad Salad oo ku baaqay ‘in laga hor-dhaco qorshe ku qarsan’ shirka Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan xisbiga uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh ee UPD ayaa carro ka muujiyey shirka uu madaxweyne Farmaajo isugu yeeray madax goboleedyada dalka, saacado kadib markii la iclaamiyey dibad-baxa mucaaradka iyo shir kale oo dhex-maraya Rooble iyo Midowga Musharaxiinta.

Qoraal kasoo baxay Villa Somalia ayaa xalay lagu yiri “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa 4-ta Maarso 2021 martigelinaya munaasabad lagu dhammeystirayo dadaalkii iyo wada hadalladii laxiriiray hirgelinta doorashooyinka dalka ee udhexeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Shirka uu ku baaqay Farmaajo, oo aan la ogeyn inay aqbalayaan Puntland iyo Jubaland, ayaa qorshuhu yahay inuu dhaco isla maalinta Khamiista ah ee 4-ta Maarso ee ay shir kale u ballansan yihiin Rooble iyo Midowga Musharaxiinta, iyo laba maalin ka hor dibad-baxa ay iclaamiyeen Mucaaradka, taasi oo su’aalo badan dhalisay.

Mahad Salaad ayaa qoraal uu soo dhigay facebook ku yiri “Farmaajo isagoo ka caraysan, kana cararaya Mudaharaadka maalinta Sabtiga iyo shirka Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Midowga Musharaxiinta u balansanyihiin maalinta Khamiista ayuu ku baaqay shir degdeg ah in ay isugu yimaadaan Dowlada Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Federaalka maalinta Khamiista.”

Mahad Salaad, ayaa sidaas darteed soo jeediyey in laga hordhaco qorshaha shirka uu iclaamiyey Farmaajo, lana soo hormariyo dibad-baxa mucaaradka.

“Mar hadii Farmaajo rabo in uu isku qataaro Ciidamada iyo Shacabka bannaanbaxaya, Musharaxiinta iyo Ra’iisul Wasaaraha, Dowlad Goboleedyda iyo Beesha Caalamka, Haddaba maxaa diidaya annagana inaan soo hormarsanno Mudaharaadka maalinta Sabtiga, lagana dhigo maalinta Arbacada ama Khamiista?!,” ayuu yiri Mahad Salaad.

War-saxaafadeed kasoo baxay Villa Somalia ayaa lagu shaaciyey in Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu iclaamiyey shir kale o ay isugu imaanayaan madaxda dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Kulankan oo hal maalin soconaya wuxuu ku qabsoomayaa magaalada Muqdisho, sida lagu sheegay qoraalka.

“Waxaa looga gol leeyahay kulankan in lagu soo gabagabeeyo talooyinkii Guddiga Farsamada Doorashada ee ka soobaxay shirkii Baydhabo 15-16 Febaraayo 2021, kaas oo xal looga gaaray tabashooyinkii ka soo laabtay heshiiskii doorashooyinka ee 17kii Sebteembar 2020,” ayaa lagu yiri qoraalkan ka soo baxay xafiiska madaxweyne Farmaajo.

Ugu dambeyntii qoraalkan waxaa lagu yiri, “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ahmiyad wayn siinaysaa hirgelinta doorasho hufan oo jawi nabdoon ku qabsoonta.”

Horay waxaa u fashilmay shir uu sidaan oo kale u iclaamiyey Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Farmaajo, waxaana shirkaas si cad u diiday Axmed Madoobe iyo Saciid Deni, iyagoo ka qeyb galkiisa ku xiray dhowr shuruudood.

Illaa hadda ma cadda in Villa Somalia ay aqbashay shuruudihii labadaas madaxweyne, lamana oga inay ka soo qeyb geli doonaan shirkan, waxaase socda dadaalo xoog leh oo beesha caalamku ay isugu keneyso madaxda Soomaalida, si heshiis dhaba ay ugaa gaaraan doorashada dalka.