Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan xasaasi ah oo ay maanta ay xildhibaannada Golaha Shacabka Soomaaliya ku lahaayeen magaalada Muqdisho ayaa baaqday hal arrin darteed, sida uu shaaciyay guddoomiyaha baarlamaanka oo soo xiray fadhigii maanta.
Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in kooram la’aan uu u baaqday fadhigoodii maanta, kadib markii ay soo xaadiri waayeen inta badan xildhibaannada Golaha.
Kulanka maanta waxaa kaliya tegay illaa 120 Mudane, kuwaas oo aan dhammeyn kooramka baarlamaanka, waxaana lagu daray saacad dheeri ah, si loo sugo xildhibaannada maqan, kadibna markii la waayey guddoomiyaha ayaa go’aamiyay in kulanka lasoo xiro.
“Xildhibaannada sharafta leh waxaad ogtihiin in afar saac marka la gaaro xeerka uu ina faraayo in hal saac lagu daro, waana lagu daray haddane 5-tii saac waa dhammaatay marka waxaa loo baahan yahay inaan ka fakirino sidii habsami u socodka baarlamaanka iyo howliheynii aan ku ilaashan lahayn” ayuu yiri guddoomiyaha Golaha Shacabka.
Sidoo kale, Sheekh Aadan Madoobe ayaa farriin culus u diray xildhibaannada iska maqan ee haddana jooga caasimada, wuxuuna ugu baaqay inay gutaan waajibaadka saaran ee loo igmaday, si uu u shaqeeyo baarlamaanka, una guto howlaha culus ee horyaallo.
“Xildhibaannada caadi ka dhigtay in iyaga oo magaalada jooga ay iska maqnaadaan waxaan u dirayaa codsi ah inay ilaaliyaan waajibaadka lagu leeyahay ee loo doortay” ayuu mar kale yiri Sheekh Aadan Madoobe.
Baaqashada kulankan ayaa kusoo aadeyso, xilli xasaasi ah ayna taagan tahay xiisad culus oo ka dhex jirta golaha, taas oo la xiriirta mooshin ay wadaan xildhibaanno kasoo horjeedo Sheekh Aadan Madoobe, kuwaas oo horay buuq uga sameeyay baarlamaanka.
Marka laga soo tego xiisaddan, waxaa Baarlamaanka Soomaaliya horyaalla shaqooyin adag oo ay ugu horreyso arrinta doorashada, maadaama laga sugayo shuruucdii lagu hagi lahaa.
Kaldhigii ugu dambeeyay ayay xildhibaannadu ku gaareen go’aanno culus oo la xiriira doorashada iyo wax ka beddelka dastuurka, xilli ay weli diidan yihiin mucaaradka.