28.6 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Arrin lama filaan ah oo kusoo korotay doorashadii guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) – Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Xildhibaanada Golaha Wakiilada maamulka Somaliland, ayaa doortay Guddoomiyaha Golaha Baashe Maxamed Faarax oo helay 39 cod.

Musharaxa uu ka guuleystay Baashe oo markii hore ku qanacsanaa guusha Baashe, ayaa iminka lasoo sheegayaa inuu dib uga laabtay isla markaana shaaciyay inuu yahay musharaxa ay doorteen Xildhibaanada.

Cabdiraxmaan Talyale oo helay 38 cod, ayaa sheegay inuu ka laabtay hadalkii ahaa inuu ku qanacsan yahay halkii cod ee looga guuleystay waxa uuna tibaaxay in khaladka uu ahaa mid ka dhacay shaqaalaha xarunta balse uu ahaa musharaxa guuleystay ee helay codka 39.

Cabdiraxmaan Talyale oo ah musharaxa loo itaal sheegtay ayaa sheegay in la hayo muuqaalkii doorashada inta Xildhibaan ee isaga gacanta u taagtey, magacyadoodana la helaayo ayna wada saxiixeen, waxaana dacwaddan loo gudbinayaa Maxkamadda dastuuriga ee Jamhuuriyadda iskeed isu magacaabtey ee Somaliland, sida uu sheegay Talyale.

Talyale oo iminka aad uga soo horjeeda natiijada ayaa sheegay inuu yahay shaqsigii ugu horeeyay ee helay codka Xildhibaanada, waxa uuna qaadacay natiijada 39 cod ee lasiiyay Baashe.

Baashe ayaa ku adkeysanaaya inuu yahay Guddoomiyaha Wakiilada, halka Talyale uu isna sheeganaayo inuu yahay Guddoomiyaha saxda ah oo ay doorteen Golaha wakiilada.

Khilaafka natiijadeed ee iminka ka dhextaagan Baashe iyo Talyale ayaa ah mid kala qaybineysa Xildhibaanada Golaha Wakiilada, waxaana ay fadeexad ku noqoneysaa dimoqraadiyadda Somaliland.

Si kastaba ha ahaatee, is qabqabsiga soo kala dhexgalay labada mas’uul ayaa noqonaaya mid laga hadal hayo dhammaan deegaanada maamulka, iyadoo ay jahwareer galisay Xildhibaanada.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News