Qax ka socda Nairobi iyo Kenya oo ku sugan oo xaalad aan caadi ahayn

Dad badan oo Kenyan ah ayaa ka cabsi qaba in doorashooyinka guud ee dalkani ka dhacaya maalinta talaadada in ay ka dhalan karaan rabshado u dhaxeeya qowmiyadaha wada dega Kenya ee kala taageersan xisbiyada loolamaya.

Sidaasi darteed dadka waxa ay sii jimleysanayaan dhammaan noocyada kala duwan ee cuntooyinka sida saabuunta, caanaha baakadaha ku jira, galleyda, burka, iyo salliida si haddii ganacsiyada xirmaan, rabshadna ay dhacdo in ay helaan kayd dhawr bilood ah oo ay ku noolaadaan.

“Maanta dadkii wax naga iibsanayay waxaa ka mid ahaa qof iibsaday 10 xabbo oo saabuun ah, taasina waa wax kheyru caadi ah” ayay tiri Margaret Wanbui oo maamule ka ah dukaan weyn oo ku yaala xaafadda Kawangware oo ah meel dadku iska dageen oo ku taala duleedka waqooyi ee Nairobi.

Inkasta oo suuq fiican jiro, haddana gabadhani waxa ay sheegtey in maamulka dukaankani uu todobaadyo ka hor gaaray go’aan ah in aysan la dagin wax badeeco ah oo cusub, cabsi laga qabo rabshado dhaca iyo qasaara dhasha awgiis.

Dil Arxan-darro ah

Kadib doorashooyinkii lagu murmey sanadkii 2007-dii , waxaa la diley dad gaaraya 12,000 , waxaana guryahooda ka qaxay 500,000 kadib rabshado dhexmaray qowmiyadaha Kikuyu iyo Luo oo ah labada ugu tirada badan Kenya.

Balse doorashadii 2013-kii dhacday oo uu ku guuleystey Uhuru Kenyatta waxa ay ahayd mid nabdoon oo aysan wax rabshado ah ka dhicin.

Hase yeeshee doorashada dhacaysa talaadada waxaa aad looga cabsi qabaa in dhibaato dhacdo, waxayna cabsidan kor usii kacday kadib markii dil arxan-darro ah loo geystey madixii tijnoolajiyadda guddiga doorashada, Chris Msando.

Ninka la diley ayaa horey u balanqaaday in uu hubanti ka dhigi doono in Kenya ay ka dhacdo doorasho xaq iyo xalaal ah.

Magaalada Nairobi iyo magaalooyin kale ee waaweyn ayay dad badan ka qaxayaan, iyaga oo dadka u qaxaya hadba meesha ay ku badanyihiin dadka ay isku beesha yihiin.

Qormo lagu soo bandhigey wargeys hawada ku jira oo lagu magacaabo The Elephant ayaa si wanaagsan loogu cabbirey sida ay xaalada tahay magaalada Nairobi.

Waxaa ciwaan looga dhigey “The Silent Panic in Kenya” oo micnaheedu yahay “Hanfariirka shanqarta yar ee Kenya”.

Waxa ay qormada faahfaahin ka bixineysaa sida dadka ay u qorsheeyeen safarada ay ku aadayaan meelaha ay dadkooda ku badanyihiin si ay oga cararaan meelaha halista ugu jira rabshadaha.

Nin maamule ka ah dukaan weyn oo ku yaala xaafad dadka ladan ay degenyihiin ee Nairobi, balse magaciisa diidey in uu sheego ayaa sheegey in aysan habooneyn in ay dadka baqdin gasho.

“Aniga waxaan usoo joogay afgambigii 1982-dii, dhibaato ayaanan kala kulanay, waxayna ila tahay in aan la qabsano xaaladda, nolosheenana halkeedii kasii wadano” ayuu u sheegey BBC-da.

Hadalo Hanjabaad ah

Haweeney degen xaafadda gidaarka ku wareegsan ee Jamhuri State ee Nairobi ayaa sheegtey in todobaadyo ka hor ay soo iibsatay raashiinkii ay u baahneyd, waxayna sheegtey in taasi ugu wacantahay in ay jiraan dad isticmaalaya hadalo hanjabaad ah.

Balse nin lagu magacaabo Zuma oo ganacsi najaarnimo ku haysta xaafaddaasi agteeda ayaa isagu qaba in aysan wax dhib ah dhici doonin doorashada kadib. Wuxuu intaasi ku daray in uusan soo iibsanin raashiin dheeraad ah oo kayd ah.

“Waan shaqaysan lahaa maalinta doorashada haddii dowladda aysan ku dhawaaqi lahayn in ay tahay maalin fasax, maalinta xigtana qorshahayga waa in aan sii wataa hawsheyda”.

Qorshaha Ku shubashada

Nin kale oo ay la hadashay BBC-da ayaa sheegey in uu kaliya awoodo in uu soo iibsado raashiin ku filan sedex maalmood. “Waan jeclaan lahaa in aan soo iibsado raashiin kayd ah oo badan, haddii aan haysan lahaa lacag” ayuu yiri David Kadondi.

Waxa uu aaminsanyahay in dilkii loo geystey Msando uu qayb ka yahay qorshe lagu doonayo in doorashada loogu shubto.

“Msando waxa uu fure u ahaa in doorashada ay noqoto mid xalaal ah, balse meesha ayay ka saareen, qaabka loo dileyna waxa ay muujineysaa in ujeedku ahaa in loo dhoco habka doorashada, kadibna lagu shubto” ayuu yiri ninkan.

Booliiska Kenya ayaa wali baaritaan ku haya dilka Msando oo lala diley haweeney da’ yar.

Isha: BBC