Arrin naxdin leh: Arday bixinta 2,000 oo Sh. So ah loogu dhex dilay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan Dowlada Somalia ayaa toogasho ku dilay 2 dhalinyaro oo la sheegay inay ahaayen Arday dhigata Iskuul.

Ciidamada ayaa labadaani Arday ku toogtay Garoonka Kubadda Cagta ee Dhame Yaasiin oo ku yaalla Degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir.

Ardaydaani la dilay ayaa la sheegay inay u daawasho tageen Ciyaar u dhexeysay laba Iskuul oo ku yaalla Degmada, waxaana halkaasi ku toogtay ciidamada Degmada, kadib markii ay diideen inay bixiyaan kharashka lagu galaayay Garoonka oo dhamaa 2,000 oo Sh. So ah.

Dilka labadaani Arday ayaa yimid kadib markii Ciidamada ay weydiiyeen lacagta lagu galaayay Garoonka, iyadoo bixinta lacagtaasi ay diiday labada Arday waxaana lagu toogtay isla goobta.

Ciyaarta ka soctay Garoonka Kubadda Cagta ee Dhame Yaasiin ayaa waxaa la sheegay inuu qabtay Iskuulka Al-anwaar oo ku yaalla isla Degmada.

Labada wiil ee la dilay ayaa da’dooda lagu sheegay inay u dhexeyso 13 ilaa 15 sano.

Ciidamada Dowlada ayaa magaalada Muqdisho ka dhex geysta dilal bareer ah oo loo geysanaayo Ardayda, Haweenka, dadka da’da ah iyo shacabka qeybihiisa kala duwan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com