Sawiro: Inta badan golaha wasiirada oo kulan deg deg ah ku yeeshay Hotel SYL

Muqdisho (Caasimada Online) –  Waxaan galabta kulan deg deg ah Magaalada Muqdisho gaar ahaan Hotel SYL ku yeeshay inta badan golaha wasiirada oo qaarkood maanta ay soo gaareyn Caasimadda Soomaaliya.

Kulankaan ayaa ujeedkiisa wuxuu ahaa sidii ay wasiirada ugu wadahadli lahaayeen kulanka berri codka kalsoonida loogu qaadi doono marka la horgeeyo Baarlamaanka Soomaaliya, waxayna iska wareysanayaan sida ay codka kalsoonida u heli karaan.

Wasiirada intooda badan ayaa isku qanciyey inay heli doonaa kalsoonida Baarlamaanka isla markaasna ay sidaad ka rajeenayaa Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Golaha wasiirada ayaa maalmihii ugu dambeeyey ku jiray xaalad walwal ah markii uu Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ka codsaday Ra’isulwasaare Xasan Cali Kheyre inuu dib uga fiirsado wasiirada uu soo magacaabay.

Sidoo kale waxaa jiro xildhibaano badan oo kasoo horjeeday kuwaas oo la jiray guddoomiyaha Baarlamaanka, inkastoo maanta arrintaas la xaliyey oo ay heshiiyeen labada mas’uul ee dalka ugu sareyso iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Golaha wasiirada ayaa berri la horgeenayaa Baarlamaanka waxaana dhammaan xildhibaanada loo diray farriin loogu shegayo inay kasoo qeybgalaan kulanka berri ka dhacayo.

Haddaba halkaan hoose ka daawo sawirada kulankii ay maanta yeesheen golaha wasiirada oo ay kasoo dhex muuqdeyn wasiiro dibadda ku maqnaa markii la magacaabayey golaha wasiirada: