Arrin shaki galineysa in DF Soomaaliya uu dhab ka yahay dagaalka Ethiopia

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya waxay ku jirtaa dagaal diblumaasiyadeedkii ugu adkaa muddo rubuc qarni ah. Waxay wajaheysa Ethiopia, oo ayadu ku kacday xad-gudub ka dhan ah madax-bannaanida Soomaaliya.

Nasiib darro’se Soomaaliya ayaa muddo ku siman laba bil aan laheyn wasiir arrimo dibadeed, xilli dowladda Soomaaliya ay iclaamisay dagaal diblumaasiyadeed ka dhan ah Ethiopia oo ay ka dhex tafantay tan iyo markii uu soo baxay heshiiskii is-afgarad ee Muuse Biixi iyo Abiy Axmed.

In dalka uusan laheyn muddo intaas le’eg wasiir arrimo dibadeed ayaa shaki galineysa in dowladda federaalka Soomaaliya uu dhab ka yahay dagaalka Ethiopia, sida uu ka dhawaajiyay Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Xildhibaanka ayaa tilmaamay in caalamka uu si dhab ahaan ugu qaato dagaalka diblumaasiyadda ee ay ku jirto dowladda ay tahay in la magacaabo wasiirka arrimaha dibadda, si diblumaasiyad ahaan god loogu rido Ethiopia.

“In wasiir arrimo dibadeed dalkaan laheyn maanta waxay tilmaam ka tahay in dowladda seriously ka aheyn dagaalka diblumaasiyadda ay ku jirto, madaxweynaha wuxuu u baahan yahay inuu nasto, oo shaqada wasiirka arrimaha dibadda inta la magacaabo uu qabto,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Sidoo kale waxa uu intaas kusii daray “Dansanaanta aad arkeysaan meel ay wax ka dansan yihiin, kursigii ugu muhiimsana ee arrimaha dibadda lagu dul fadhiyo, oo madaxweynihii la yiraahdo asaga shaqadii qabanaya, wuu fiican tahay hadduu energy-gaas hayo laakiin waxaa ila quman in wasiir arrimo dibadeed la magacaabo.”

Xildhibaanka ayaa ugu dambeyntiina wuxuu u soo jeediyay dowladda madaxweyne Xasan Sheekh inuu booska wasiirka arrimaha dibadda oo xilligaan muhiimad gaar ah leh loo magacaabo shaqsi kasoo dhalaali kara diblumaasiyadda ay maanta u baahan tahay Soomaaliya.

Inkasta oo dowladda federaalka ay dadaal badan ku bixinayso dagaalka diblumaasiyadda, taasi oo durba cariiri lagu geliyay Ethiopia, haddana waxaa muuqata baahida in wasaaradda arrimaha dibadda loo soo magacaabo wasiir, si dagaalka diblumaasiyadda uu Ethiopia ugu qasbo inay ka laabato heshiiskii is-afgarad ee Ethiopia.