Qarax ka dhacay magaalada NAIROBI + Khasaaraha

Nairobi (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dab xoog leh oo ka dhashay qarax uu sababay gaaska cunnada lagu karsado oo ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Qaraxaan ayaa waxaa ka dhashay khasaare kala duwan, ayada oo illaa hadda la xaqiijiyay dhaawaca ilaa 300 oo qof, sida Bisha Cas ee Kenya ay ku soo warrameyso.

Sidoo kale waxaa jirta dhimasho ka dhalatay qaraxaan, waxaana la xaqiijiyay illaa hadda dhimashada laba ruux.

Afhayeenka xukuumadda ayaa wuxuu sheegay in gaas la saarayey gaari kuwa xamuulka ah uu ka dhashay qaraxa, ayada oo dab xoog leh uu cirka isku shareeray.

Goobjoogayaal ayaa sidoo kale warbaahinta gudaha u sheegay in dadka ku dhaawacmay dabka xooggan ee ka dhashay qaraxa ay ku jiraan ugu yaraan 25 carruur ah.

Sidoo kale waxaa ku waxyeeloobay guryo, goobo ganacsi iyo baabuur, waxaana dadka lagu wargeliyay in ay ka fogaadaan aagga go’doonsan si loo sameeyo howl-galka samata-bixinta.

Howl-wadeenada gargaarka iyo dab-damiska ayaa illaa saaka waaberigii la tacaalayey sidii ay u bakhtiin lahaayeen dabkaas oo xalay saqdii dhexe ka billowday xaafadda Embakasi ee magaalada Nairobi.

Wixii kasoo kordha ee faah-faahin ah kala soco wararkayaga dambe Insha Allah.