Arrin uu MUUSE BIIXI ku dhowaaqay oo SOMALILAND gelin karta jahwareer cusub

Hargeysa (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Somaliland Muuse Biixi ayaa ku dhowaaqay inuu yahay musharaxa xisbiga Kulmiye ee doorashada dhici doonta bisha Novermber ee sanadkaan.

Biixi oo ka yara siyaasad adag xubnaha la tartamaaya ee Cabdiraxmaan Ciro iyo Faysal Cali Waraabe ayaa raadinaya shan sano oo cusub kadib markii uu 7-dii sano ee lasoo dhaaf dib u riixay dhamaan rejooyinkii Somaliland ee dowlad wanaaga iyo ictiraafka.

Inkasta oo ay Somaliland culeys ugu filan tahay nuuca faham iyo hoggaamineed ee ragga la kala dooran doono bisha Novermber ee sanadkaan, haddana siyaasadda gacan ka hadalka iyo mintidnimada ayaa laga yaaba inay hesho taageero kale.

Inta uu Muuse Biixi joogay xukunka waxaa gacanta Somailand ka baxday Laascaanood, waxay galeen dagaalkii ugu khasaaraha badnaa waayahan, waxa lumiyeen kalsoonidii beesha caalamka.

Sidoo kale waxay ku dhaqaaqeen inay bixiyaan qeyb dhulka iyo badda kamid ah, waxaa dhacay muddo kororsi sharci darro, waxayna iska sii fogeeyeen dowladda federaalka Soomaaliya oo ah cidda uu ku xiran yahay go’aanka ictiraafka.

Gudaha Somaliland dagaalo qabiil ayaa dhacay, xoriyatu-qowlka ayuu si weyn ula diriray hoggaamiye Biixi, xasilooni darro siyaasadeed middii ugu darneyd ayuu cagaha u galiyay maamulka, waxaana dhinaca kale lagu eedeeyay sad-bursi reereed.

Iyada oo dhamaan arrimahaasi jiraan weli Muuse Biixi waa musharax xoog leh. Sababta uu weli Muuse Biixi ugu cad cad yahay kursiga ma ahan jaceyl ee waa miisaanka xubnaha la tartamaya, kuwaasi oo aan lagu tuhmayn itaal siyaasadeed kiisa dhaama, wallow uu Cabdiraxmaan Cirro uu isagu haysto shacbiyad fiican.

Loolanka qabaa’ilka ayaa kursigaan si weyn u saameyn kara, laakiin marwalba oo ay doorashada tahay qof iyo cod lama sahashan karo xisbiga tallada haya, kuwaasi oo xitaa awoodda inay doorashada ku shubtaan.

Doorashada soo aadan ee Somaliland waxay dadka gobollada Waqooyi siin kartaa shan sano oo kale oo jawhareer ah haddii taliska Biixi uu kusoo laabto kursiga, wallow Cabdiraxmaan Ciro iyo Faysal Cali Waraabena la ma-suugsan yahay halka ay wax gaarsiin karaan.