Arrinta ugu weyn ee hortaalla madaxweyne Xasan Sheekh kadib dagaalka Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Galka amniga ee Soomaaliya waa cutubka ugu xoogan ee loogu hadal-haynta badna tobankii sanno ee lasoo dhaafay, lana sii wadi doono ka doodida iyo shaqo ka qabashadiisa.

Markasta oo qoddobka amniga lasoo qaado waxaa cutubyada ugu horeeya soo galaya ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS ee hore loo oran-jiray AMISOM.

Inkasta oo ay qeyb ka noqdeen xilliyo hore howl-galo lagula dagaalamay kooxaha argagixisada, ayna gacanta ku hayaan amniga goobo cayiman oo ku yaalla caasimada dalka.

Haddana waqti xaadirkan si weyn ayey su’aallo u dul taagan yihiin, howl-galku ma ahan nabad ilaalin waase dagaalamayaal ay tahay inay nabada xoog ku keenaan, lana hardamaan kuwa diidan deganaanshaha iyo horumarka Soomaaliya.

Laakiin muuqaalka hadda laga dhex daawanayo ATMIS waa inay yihiin nabad-dhaliyayaal ku kooban xeryaha ku yaalla xeyndaabka amnigooda la adkeeyay ee caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

15-kii sanno ee lasoo dhaafay Soomaaliya deymaha ugu badan ee lagu qoray lacag ahaanta waa midda ay qaataan ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan dalka, kuwaasi oo askari kasta uu qaato lacag ka badan kun dollar, waa isku darka afar kamid ah askarta ciidanka xoogga dalka mushaarka ay qaadan lahaayeen.

Soomaaliya hadda 5-tii billood ee lasoo dhaafay waxaa sii xoogeysanaya dagaalka adag ee ay kula jirto kooxaha argagixiso, dadka deegaanada ayaa is-abaabulay si ay uga hortagaan ficilada Al-Shabaab, dagaalkaasna wuxuu sababay in kooxda gacanteeda ka baxaan inta badan deegaanada ay gacanta kaga hayeen bartamaha Soomaaliya.

HirShabelle iyo Galmudug waxaa jooga ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS, inkasta oo ay billowgii sheegeen inay howl-galka qeyb ka qaadanayaan haddana xiligaan wax door ah malahan.

Tallaabadan ayaa waxay soo dadajisay in dadka Soomaalida ay indhahooda arkaan in ciidanka xoogga dalka iyo shacabka oo iskaashanaya ay awooda u leeyihiin xaqiijinta guulo muhiim ah iyo qabsashada deegaano waaweyn oo 15-kii sanno ee lasoo dhaafay kooxaha argagixiso gacanta ku hayeen.

Haddii HirShabelle iyo Galmudug, ATMIS la’aantood looga guuleystay kooxaha argagixiso oo looga saaray waxay dadka is-weydiinayaan sababta joogitaanka ciidamada shisheeye ee Soomaaliya waqti xaadirkan oo is-weydiimo ay joogaan.

Waxaa si weyn loogu hayaa bixitaanka askarta Midowga Afrika, inkasta oo madaxweyne Xasan Sheekh uu ballan-qaaday in uu ka shaqeynayo in ciidanka ATMIS (ex-AMISOM) ay ka baxaan Soomaaliya, lana wareegaan ciidanka Soomaalidu amniga Qaranka.

Tayada ciidamada dowladda federaalka ayaa kusoo baxday howl-galada millateri ee laga qaaday gobolada HirShabelle iyo Galmudug, taasi oo muujisay in ciidamada Soomaalida ay isku filan yihiin haddii laga taageero waxyaabaha muhiimka ah, taageeradaas oo xiligaan aan ka imaaneyn Midowga Afrika iyo howl-galka ciidankooda ee ku sugan Soomaaliya.

Inkasta oo Golaha Amaanka ee QM ay kordhiyeen joogitaanka ciidanka Midowga Afrika ee Soomaaliya, dhinaca kalana waxaa la sheega in qandaraasyada ugu badan ee ciidamadan ee Soomaaliya ay qaatan siyaasiyiinta Soomaalida, taana ay tahay waxa u weyn ee markasta dadaalka loo galiyo inay kusii waaran Soomaaliya.

Soomaaliya waxay tahay waddanka ugu halista badan marka laga hadlayo geeska Afrika ee xagga amaanka, waxaa jooga in ka badan 23 kun oo ciidan shisheeye ah waa marka laga hadlayo kuwa Midowga Afrika.

Dadka Soomaaliyeed hadda waxay ku foogan yihiin inay arkaan tayada ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed, kuwaasi oo la dhid-bayay tobankii sanno ee lasoo dhaafay, laakiin xoogga ugu badan la galinayo hadda sidii ay iskugu wadi lahaayeen la-dagaalanka kooxaha argagixiso iyo dhismaha xoogga dalka.

Ciidanka Soomaaliya ee dhismaya waxay u muuqanayaan yididiilo xoog leh oo amnigooda Qaran la wareegi kara, haddii laga dhex saaro siyaasadda iyo ku milankeeda.

Waxaa la rumeysan yahay in arrintaan ay tahay midda ugu weyn ee hortaalla madaxweyne Xasan Sheekh kadib dagaalka Al-Shabaab oo si weyn uga socda dalka, jab xoogana lagu gaarsiiyay kooxda.