Idris Elba iyo Sabrina Dhowre oo soo jeediyay fikrad Soomaaliya looga saari karo…

Davos (Caasimada Online) – Jilaaga caanka ah ee Idris Elba iyo xaaskiisa Sabrina Dhowre oo dhawaan ka qayb-galay shirka sanadlaha ah ee ee Madasha Dhaqaalaha Adduunka (WEF) ayaa maal-qabeenada qeybta ka ahaa madasha ku dhiira-geliyay in ay hantidooda u weeciyaan waddamo ay ku jirto Soomaaliya, oo u baahan gacan qabasho.

Idris Elbe iyo Sabrina Dhowre ayaa qaba in fikirka uu baaqooga ku dhisan yahay uu saboolnimada ka saari karo waddamada Soomaaliya, Suudaan, Haiti iyo dalal kale oo dhibaatooyin kala duwan ka jiraan.

Lamaanahan oo ah Danjireyaal sharafeedka Sanduuqa Caalamiga ah ee horumarinta Beeraha ee hoostaga QM ayaa khudbado ay jeediyeen ku dul istaagay dhibaatooyinka dhanka cunnada ah ee ka jirta waddamadaas.

Sabrina Dhowre ayaa sheegtay in waddamada, asal ahaan kasoo jeedo ee Soomaaliya uu la daalaa-dhacayo dhibaatooyin dhanka helista cunnada ah, iyada oo garab istaag u dalabtay dadka leh beeraha yar-yar.

“Waxa aan halkan u joognaa in aan shaaca ka qaadno dhibaatooyinka heysta dadka kunool waddamada aan wararkooda lasoo tebin, xaqiiqdii waxa ay u baahan yihiin in la garab istaago,” ayey tiri Sabrina Dhowre.

Sabrina ayaa sidoo kale tilmaamtay in baaqa cusub ay wadaan ku qotomo inay ka warqabto dhibaatooyinka ka jira dalalkaas oo dadka ku nool u baahan yihiin in la gacan qabto.

Idris Elba ayaa asaguna yiri “Waa in dhaqaale deg-deg ah loo helaa dadka saboolka ah ee ku nool waddamada dhibaatooyinka ka jiraa, keliya ma raadiyaan gargaar iyo deeq kaalmo ah oo la siiyo balse waxa ay u baahan yihiin maalgashi lagu sameysto dalalkooda si ay shaqo u helaan.”

Xafladdii furitaanka shirka sanadlaha ah ee Madasha Dhaqaalaha Adduunka (WEF) ee Davos ayaa sidoo kale lagu abaal-mariyay Idris iyo Sabrina shaqada ay ka qabteen ilaalinta deegaanka, cuntada iyo isbeddelka cimilada.