Halka tab ee Al-Shabaab ay ku laynayso ciidamada DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa saakay aroortii weerar gaadmo ah oo lagu bilaabay ugu yaraan laba qarax oo ismiidaamin ah waxay ku qaaday xeryihii ciidanka xoogga dalka ee magaalada Galcad, weerarkaan ayaa sii xoojiyey hadal-heynta sababta mar kasta weerar loogu laayo ciidanka.

Isniintii lasoo dhaafay ayaa Al-Shabaab laga xoreeyey magaalada Galcad oo ka tirsan gobolka Galgaduud, maalin kadibna waxaa la xoreeyey degmada ay hoos tagto ee Ceeldheer.

Dowladda Soomaaliya waxay shaacisay in weerarka looga dilay 7-askari oo taliye ku xigeenkii ciidanka Danab – Xasan Tuure uu ku jiro, halka Al-Shabaab laga dilay ugu yaraan 100 dagaalame.

Hadal-heyn badan ayey waayahaan abuurtay sababta ciidanka dowladda loogu laayo weerar gaadmo ah, waliba xiliyo isku mid ah, sida aroorta hore, si gaar ah subax kasta oo Jimco ah, Al-Shabaab waxay fuliyaan weerar cag marin ah, iyagoo hadba xero ku habsada.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka mid ah siyaasiyiinta ka tacsiyeysay ciidankii maanta lagu dilay dagaalka ayaa yiri, “Cadawgu tab isku mid ah ayuu ciidankii ku laynayaa.”

Afhayeenka wasaaradda difaaca Soomaaliya Jeneraal Caanood ayaa horay u sheegay in ciidanka oo ‘qayila’ intooda badan ay sabab u tahay in lagu laayo weerarrada Al-Shabaab ee cag-marinta ah.

Jeneraal Caanood ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ay weerarrada noocaan ah fuliso xiliyada dambe ee habeenkii, iyadoo aan waxaba loo jeedin, inta badana askartii qayishay ay xiligaas seexdeen.

Weerarkii ay saakay Al-Shabaab ku qaadeen Galcad wuxuu noqday mid ka Danab uga khasaare badan dagaaladii ay Al-Shabaab uga xoreysay HirShabeelle iyo qeybo ka mid ah Galmudug.

Intii ay dhisnaayeen ciidanka Danab ma dhicin weerar sidaan oo kale loogu soo qaaday oo looga dilo 7 askari, waxaa arrinta sii murjisay markii ciidanka la dilay uu ka mid noqday Taliyahoodii.

Ciidanka Danab oo heysta tababar sare, waxaa kaalmeysa oo howlgallada kala qeyb gala diyaaradaha dagaalka, kuwaas oo meel kore ka arka, awoodna u leh inay ka duqeeyaan Shabaab-ka.

Inkastoo diyaaradaha dagaalka ay saakay ka qeyb qaateen soo afjaridda weerarkii Al-Shabaab, hadana waxaa la is weydiinayaa sababta ay isku dhigteen ciidankii joogay Galcad, iyagoo leh awood ku filan oo ay isaga difaaci kareen weerarka uga yimid dhicana Al-Shabaab oo dhawaan laga xoreeyey deegaanka.