Arrinta yaabka laheyd ee uu isku sifeeyay Muuse Biixi Cabdi oo jawaab laga bixiyey

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xisbiga Ucid, Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay jawaab uu madaxweynaha Somaliland ka bixiyey eedeyn uu sheegay in uu dhawaan u jeediyay, islamarkaana dhalisay hadal hayn badan.

Guddoomiye Faysal ayaa ugu horeyntii iska fogeeyay hadalka uu jawaabta ka bixiyey Muuse Biixi, kaasi oo uu ku sheegay inuu ugu yeeray “hogaamiye badow ah”.

Muuse Biixi oo ka jawaabaya eedeyn uu sheegay inay uga timid Faysal Cali Waraabe ayaa isku sifeeyay wax uu ugu yeeray “Badownimo”, wuxuuna sheegay in midaasi uu ku hogaaminayo Somaliland oo xiligan ku jirta ololaha doorashooyinka golaha wakiilada iyo deegaanada oo sanado badan aan qabsoomin.

“Shalay waxa hadlay Xisbiga UCID oo yidhi Dawladdu waa mid Badow ah oo Madaxweyne Badow ah ayaa u taliya, waar Anigu Badow baan ahay Soomaaliyeey, Badownimada waan ku faanayaa, badownimo ayaanan wax ku hoggaaminayaa, waxaanan u sheegayaa Guddoomiyaha Xisbiga UCID anigu Badownimada Abtiyaashay baan ka raacay oo waan haysanayaa,” ayuu yiri.

Haddaba, Faysal Cali Waraabe oo daba-socda hadalka Muuse Biixi ayaa sheegay in madaxweynaha uu ku riyooday, islamarkaana aysan jirin meel uu ka sheegay sifada uu isku tilmaamay ee “Badownimada, sida uu hadalka u dhigay.

“Madaxweynaha markuu hadlayay waxa uu sheegay in aan ku sheegay Badow, waxaan ka xumahay madaxweynaha kalmadaa ma odhan malaha wuu igu riyooday, kalmadaa ma odhan,” ayuu yiri Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo ka hadlayey meel fagaare ah oo isugu soo baxeen taageerayaasha xisbiga Ucid.

Hadalka Muuse Biixi ayaa hadal hayn badan ka dhaliyey baraha bulshada, ayada oo siyaabo kala duwan loo fasiray, waxaana la yaab noqotay qaabka uu iskugu-sifeeyay.