Maxay tahay sababta uu Mareykanka kharashka badan ugu balan qaaday Falastiin?

Ramaallah (Caasimada Online) – Xoghayaha Arrimaha dibadda dalka Mareykanka Antony Blinken ayaa sheegay in golaha Congaress-ka uu ka codsan doono$ 75 milyan oo dollar oo ah gargaar loogu fidinayo Falastiiniyiinta ku sugan Gaza, kadib xabad joojintii dhawaan la gaaray ee lagu soo afjaray dagaalkii u dhaxeeyay Israel iyo ururka Xamas.

Blinken ayaa ku dhawaaqista sameeyey kadib wadahadal uu Talaadadii Ramallah kula yeeshay madaxweynaha maamulka Falastiin Mahmoud Abbas.

“Waan ognahay in wareeggii ugu dambeeyay ee colaadda ay calaamad u tahay arrimo intan ka ballaaran oo ay tahay inaan wax ka qabanno haddii aan ka hortageyno soo laalaabashadeeda, waana taas midda aan ka wada hadalnay,” ayuu yiri xoghayaha Arrimaha dibadda Mareykanka Antony Blinken.

Waxa uu intaasi ku daray inay soo dhoweynayaan xabad joojinta sii socota, laakiin taasi aysan ku filneyn, ayna isku dayayaan in arrimaha ay ula dhaqaaqaan jiho dhab ah oo wanaagsan.

Blinken ayaa Talaadadii sidoo kale ku celiyay in maamulka Mareykanka ee uu hoggaaminayo madaxweyne Joe Biden uu rumeysan yahay in xalka laba dhinac ee Falastiin iyo Israa’iil ‘uu yahay jidka kaliya ee si dhab ah loogu xaqiijin karo mustaqbalka Israel ee dowlad Yuhuud dimoqraadi ah, iyo dabcan, in la siiyo Falastiiniyiinta gobolka ay xaqa u leeyihiin.”

Dibluomaasiga ugu sarreeya Mareykanka ayaa sheegay in Mareykanku uu dib u furayo qunsuliyadda magaalada Qudus uu ku leeyahay, kadib markii maamulkii hore ee Trump uu xiray sanadkii 2019-kii.