Xog: Qorshe ay diyaariyeen guddiga doorashooyinka Somaliland oo fashilmay

Hargeysa (Caasimada Online0 – Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa dhawaan soo saaray jadwal ay u dajiyeen ololaha doorashada isku-sidkan ee golayaasha wakiilada iyo deegaanka ee Somaliland, kaasi oo qorshihiisa uu fashilmay.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Ololaha doorashada ayaa u dhacay qaab ka baxsan midkii ay u qorsheyeen guddiga, kaasi oo dhigayay in xisbi walba uu hal maalin sameeyo isku soo bax weyn, isagoo cududiisa kusoo bandhigaya fagaarayaasha magaalada.

Komishanka doorashooyinka Somaliland ayaa dejiyay qorshe dhigayay in saddex xisbi qaran ee Ucid, Kulmiye iyo Waddani ay fagaarayaasha iskugu soo baxaan taariikhda 23,24 iyo 25-ka bisha oo keliya, halka maalmaha kale ee 26,27 iyo 28-ka isla bishaan ay ku ololeeyaan xafiisyada iyo xarumahooda oo keliya, ayaga oo sameynaya isku soo bax kooban.

Qorshaha dambe ee dhigaya in xisbiyada ay taageerayaashooda iskugu yeeraan si gooni-gooni ah xafiisyadooda oo uga ololeeyaan ayaa gebi ahaanba uu hareer maray xisbiga Ucid, oo maanta uu qorshuhu ahaa in xafiisyadood oo keliya ku sameeyen isku soo bax kooban kuwaasi oo isku soo baxyo weyn ka dhigay fagaarayaasha magaalada.

Sida ay Caasimada Online u sheegen qaar kamid ah howl-wadeenada guddiga doorashooyinka Somaliland, qorshaha guddiga ayaa ahaa oo keliya in xisbi kasta uu hal maalin oo keliya isugu baxaan fagaarayaasha, si loo yareeyo saameynta ka dhalan karta tiro badan oo dad ah oo iskugu imaanaya fagaaro weyn, arrimo jira awgeed.

Lama oga sababta keentay in xisbiyadu hareer-maraan jadwalka Komishanka, kaasi oo saaka jabiyey xisbiga Ucid, sidoo kale ma cadda in xisbiyada Waddani iyo Kulmiye in ayaguna ay qaadi doonaan tallaabada uu maanta u horkacay Ucid iyo haddii ay u hogaansami doonaan jadwalka Komishanka qaranka uu u dajiyey ololaha doorashada.

Somaliland ayaa 31-ka bishaan waxaa ka dhici doonta doorashooyinka golaha wakiilada iyo deegaanka oo muddo sanado badan ah aan qabsoomin, waxaana socota qaban-qaabadii u dambeysay ee u diyaar garowga doorashooyinkaas.