Garabka CABDI XAASHI oo diiday heshiiska doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiinta ka soo jeeda gobollada waqooyi ee Somaliland, gaar ahaan garabka uu hoggaamiyo guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa caawa soo saaray qoraal ay ku cadeynayaan in shirka berri la soo gabagabeynayo ee heshiiska looga gaaray khilaafka doorashooyinka aysan cidna ku metelin, isla markaana wixii kasoo baxa aysan khusey doonin.

Qoraalkaan waxay ku sheegeen in maalmahaan ay rajo ka qabeen in shirka ka socda Afisyooni laga qeyb geliyo guddoomiye Cabdi Xaashi oo ay u arkaan inuu muhiim u yahay midnimada iyo wax ka go’aaminta arrimaha masiiriga ah ee dalka, balse taasi aysan dhicin shirkuna uu u muuqdo mid gabagabo ah. 

“Waxaan u cadeyneynaa saamileyda siyaasadda, shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka, in wax talo ah aanaa ku laheyn, wax xoga oo sax ahna aanaa ka helin sida loo dhigay arrinta Somaliland oo ka mid aheyd seddax qodob oo xalkooda loo qabtay shirka,” ayaa lagu yiri qoraalka. 

Ugu dambeyntii qoraalka ay soo saareen siyaasiyiinta gobollada waqooyi garabka uu hoggaamiyo guddoomiye Cabdi Xaashi waxay ku sheegeen in hadii sidaan berri lagu soo gabagabeeyo shirka ay bulshada Soomaaliyeed iyo warbaahinta la wadaagi doonaan faahfaahin la xariirta qadiyadda doorashada 57-ka kursi oo deegaan doorashadoodu tahay Somaliland, isla markaana ay ka qaadan doonaan go’aan masiiri ah.

Dhinaca kale, xog aan helnay ayaa sheegeysa in Cadbi Xaashi uu ogol yahay sida wax loo qeybiyey, balse waxa diidan yihiin xildhibaanada ku xiran.

Berri oo Khamiis ah ayaa lagu wadaa in lasoo gabagabeeyo shirka ra’iisul wasaare Rooble, madaxda dowlad goboleedyada iyo duqa Muqdisho uga socday todobaadkaan teendhada Afisyooni, balse waxaa suurtagal ah in arrintaan ay sababto inaan berri lasoo xirin shirka.