DF iyo maamulka KOONFUR GALBEED oo isku haysta deegaanka Ceelasha Biyaha

Baydhaba (Caasimada Online) – Wasiirka waxbarashada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Maxamed Yuusuf Xasan oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baydhaba ee gobolka Bay ayaa eedeyn la xariirta imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare waxa uu u jeediyey mas’uuliyiinta wasaaradda waxbarashada dowladda federaalka.

“Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya mas’uuliyad buuxda ayaa ka saaran waxbaridda dhammaan ardayda deegaanka Ceelasha Biyaha, degmada Afgooye iyo guud ahaan deegaanada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,” ayuu yiri wasiir Maxamed Yuusuf.

Wasiirka waxbarashada K/Galbeed waxa uu shirkiisa Jaraa’id uga hadlay seddax qodob, kuwaas oo kala ah:

1 – In waqti hore ay mas’uuliyiinta ugu sareysa wasaaradda waxbarashada DF, sida Wasiirka iyo Agaasimaha guud ay imtixaanka dugsiga sare halkooda looga qaado ardayda ku nool deegaanka Ceelasha Biyaha. “Wasaaradu waxay diiday in Ceelasha Biyaha xarun imtixaan laga dhigo, iyadoo ardayda deegaankaasi ay cabasho badan ka soo gudbiyeen, ayna ku adagtahay inay Muqdisho u aadaan imtixaanka dugsiga sare, maadaama ay dhibaato badan kala kulmayaan jidka.”

2 – In balan ka baxyo ay ku sameeyeen mas’uuliyiinta wasaaradda waxbarashada dowladda federalka. “Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Wasiirkiisa waxa ay cadeeyeen in Ceelasha Biyaha aysan suurtagal aheyn in xarun imtixaan laga dhigo duruufo amni awgeed. Sidaa darteed waxay soo jeediyeen in ardeyda degaankoodu yahay Ceelasha Biyaha loo wareejiyay degmada Afgooye. Taasna  Wasaaraddu waa nooga baxday.”

3 – In jahwareer iyo khalkhal uu soo wajahay ardeyda Koonfur Galbeed ee wax ku baratay deegaanka Ceelasha Biyaha. “waxay weli garan la’yihiin goobta ay Imtixaanka ku galayaan, iyadoo waqtigu uu ku dhamaaday.”

“Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed waxay ka soo horjeedaa in lagu tunto xuquuqda ardayda deegaanka Ceelasha Biyaha. cawaaqibka iyo dhibaatada ka dhalatana waxaa qaadaya wasaaradda waxbarashada dowladda federaalka, maadaama la jahwareeriyay ardayda, waalidiinta iyo bulshada deegaanka intaba,” ayuu yiri wasiirka waxbarashada maamulka K/Galbeed.

Waxa uu sheegay in degmada Afgooye ay ku diyaariyeen xarumihii imtixaanka ay ku gali lahaayeen ardayda wax ku baratay deegaanka Ceelasha Biyaha ee sanadkan u fariisaneysa imtixaanka shahaadiga ah ee dowladda dhexe.

“Wasaaradda waxbarashada Koonfur Galbeed waxay si deg deg ah uga codsanaynaa wasaaradda waxbarashada DF in ardayda aan la geyn xarumaha lagu soo qoray ee Gahey iyo SYL Muqdisho, balse loo wareejiyo degmada Afgooye,” ayuu hadalkiisa ku sii daray wasiirka oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baydhaba.

Isagoo sii hadalyey ayuu yiri, “Hadii arrintaan jawaab deg deg ah aysan ka bixin wasaarada waxbarashada federaalka, waxay saameyn ku yeelan doontaa wadashaqeyntii fiicneyd ee ka dhaxaysay labada wasaaradood ee waxbarashada u kala qaabilsan Koonfur Galbeed iyo Dowladda Federalka.”

Hoos ka Daawo