Khasaare ka dhashay weerar ay Al-Shabaab ka fuliyeen duleedka Dhuusamareeb

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa galabta Maqribkii weerar gaadmo ah ka geystay inta u dhaxeysa magaalada Dhuusamareeb iyo deegaanka Ceeldheere oo kala bara magaalooyinka Gurceel iyo Dhuusamareeb ee Galmudug.

Weerarkaas ayaa si gaar ah uga dhacay tuulo lagu magacaabo Xaayow oo ay ku sugnaayeen ciidan Macawiisley ah, kuwaas oo isku baheystay in wadada laamiga ah ee xariirisa Gurceel iyo Dhuusamareeb ay ka difaacaan Al-Shabaab.

Ugu yaraan seddax nin oo ka tirsanaa ciidanka Macawiisleyda ah ee iska abaabulay deegaankaas ayey Al-Shabaab dileen, halka dhaawacyo kalena la gaarsiiyey isbitaallada Dhuusamareeb, sidoo kale waxa ay gubeen gaari uu Saad u saarnaa.

Wararka aan ka heleyno dadka deegaanka waxay intaas ku darayaan inay jiraan askar Macawiisley ah oo la weysan yahay nolol iyo geeri, kuwaas oo laga cabsi qabo inay Al-Shabaab afduubteen.

Weerarka ayaa dhacay intii lagu jiray salaadii Maqrib, waxayna Al-Shabaab soo gaadeen raggaan oo aad u tira yaraa, waxaana la sheegay inay kala kulmeen iska cabin xoog leh, iyadoo ugu dambeyn laga taag roonaaday ciidankii lasoo weerar ee deegaanka.

Wararkii u dambeeyey ee aan ka heleyno deegaankaas waxay sheegayaan in saraakiil iyo ciidan xoog leh oo ka tirsan qeybta 21-aad ay caawa gaareen tuuladii lagu dagaalamay, balse hortood waxaa deegaanka isaga baxay Shabaabkii soo weeraray.

Tan iyo markii gacan ku heynta gobollada dhexe lagala wareegay ururkii Ahlu-Sunna. Kooxda Al-Shabaab ayaa culeys badan soo saartay magaalooyinka ugu muhiimsan Galgaduud ee Dhuusamareeb iyo Gurceel, waxaana cabsi lagu maraa wadada uu galabta weerarku ka dhacay ee xariirisa labadaas magaalo.