Xog: Heshiiska doorashada ma gudoomiye Cabdi Xaashi ayaa diidan mise xubno kale?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Aqalksa Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa laga yaabaa inuu Maanta diido ka qeybgalka munaasadda la filayo in lagu saxiixo heshiiska laga gaaray doorashooyinka Soomaaliya  kadib cadaadis ay saareyn siyaasiyiin kasoo jeedo Waqooyiga.

Cabdi Xaashi oo dadaal ay sameeyeen Ra’iisul wasaare Rooble iyo madaxda Maamul Goboleedyada kadib lagu qanciyey inuu aqbalo in guddiga doorashooyinka ee Waqooyiga laga siiyo 5 Xubin ayaa lasoo sheegayaa inuu cadaadis xoog leh kala kulmayo qaar ka tirsan siyaasiyiinta Waqooyiga ee ka tirsan garabkiisa.

Siyaasiyiinta waqooyi ee garabka Cabdi Xaashi ayaa xalay soo saaray warqad ay ku diidayaan heshiiska, waxaase la sheegay inuu isagu ku qanacsanyahay qeybta la siiyay balse ay cadaadis saarayan xubno ay ka mid yihiin Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Ibraahim Iidle Saleebaan, Fowsiya Yuusuf Xaaji iyo Xuseen Carab Ciise, kuwaas oo ku cadaadinaya inuusan tagin kulanka Maanta lagu soo xirayo shirka.

Qodobka ugu adkaa shirkii Muqdisho ugu socday Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda Maamul Goboleedyada ayaa ahaa kan Gobolada Waqooyi, waxaana ugu dambeyntii lagu heshiiyey In Cabdi Xaashi hal xubin oo dheeri ah loogu daro soo jeedintii guddiga farsamada ee Baydhabo ku shiray kuwaas oo u ogolaaday 4 xubnood.

“Waxaan u cadeyneynaa saamileyda siyaasadda, shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka, in wax talo ah aanaa ku laheyn, wax xoga oo sax ahna aanaa ka helin sida loo dhigay arrinta Somaliland oo ka mid aheyd seddax qodob oo xalkooda loo qabtay shirka,” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saareyn Siyaasiyiinta ka soo jeeda gobollada waqooyi ee Somaliland, gaar ahaan garabka uu hoggaamiyo guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Ugu dambeyntii qoraalka ay soo saareen siyaasiyiinta gobollada waqooyi garabka uu hoggaamiyo guddoomiye Cabdi Xaashi waxay ku sheegeen in hadii sidaan maanta  lagu soo gabagabeeyo shirka ay bulshada Soomaaliyeed iyo warbaahinta la wadaagi doonaan faahfaahin la xariirta qadiyadda doorashada 57-ka kursi oo deegaan doorashadoodu tahay Somaliland, isla markaana ay ka qaadan doonaan go’aan masiiri ah.