UK oo war ka soo saartay doorashooyinka Soomaaliya

Lodon (Caasimada Online) – Ergeyga joogtada ah ee Boqortooyada UK u qaabilsan Qaramada Midoobay, Barbara Woodward ayaa ka hadashay xaaladda adag ee Soomaaliya, gaar ahaan wada-hadallada doorashooyinka ee haatan ka socda magaalada Muqdisho.

Barbara Woodward oo la hadleysay xubnaha golaha ammaanka ayaa ugu baaqday hoggaamiyeyaasha Soomaalida iyo saamileyda kale ee siyaasadeed inay sii wadaan wada-hadallaooda inta xal laga gaarayo, isla-markaana laga aadayo doorasho loo dhan yahay.

Sidoo kale waxay intaasi ku dartay in jahwareeka jira kaliya looga gudbi karo in la hubiyo doorasho waqtigeeda ku dhacdA, si looga baaqsado xasilloni darro siyaasadeed iyo mid amni.

“Hubiya in doorashada noqoto mid loo wada dhan yahay, oo lagu kalsoonaan karo ayna ku dhici karto sida ugu dhakhsaha badan uguna macquulsan waanba habka looga bixi karo jahwareerka siyaasadeed ee sii hurinaya amni-darrada iyo xasillooni-darrada ka jirta Soomaaliya,” ayay tiri Barbara Woodward oo ah wakiilka dowladda Ingiriiska ee UN-ka.

Waxa kale oo ay intaasi sii raacisay “Rabshadaha siyaasadeed waxay kaliya sii kordhinayaan saameynta halista jirta ee Covid-19, daadadka, abaaraha, cunno yarida, iyo ayaxa oo dhammaantood khatar weyn ku ah xasiloonida mustaqbalka fog ee Soomaaliya. Hogaamiyaasha Soomaalida waa inay sii wadaan ka shaqeynta wax ka qabashada saameynta arimahan”.

UK ayaa ka mid dalalka sida u dhow u taageerO Soomaaliya, waxaana ay qeyb ka aheyd dalalka beesha caalamka ee dadaalka ku bixiyey wada-hadallada doorashooyinka 2021.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo maanta Muqdisho lagu soo gaba-gabeynayo shirka wada-tashiga doorashooyinka, iyada oo la shaacinayo dhameystirka heshiis ay SI wadajir ah u gaareen dowladda federaalka ah, dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir.

Si kastaba, dhaqan-galka heshiiskan ayaa meesha ka saari doono is jiid-jiid muddo ka taagnaa doorashada oo ay isku hayeen dowladda, dowlad goboleedyada iyo mucaaradka.