Midowga musharraxiinta oo kulan la leh Cabdi Xaashi

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa haatan ka socda kulan gaar ah oo u dhexeeyo hoggaanka sare ee Midowga Musharraxiinta Mucaaradka iyo guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Kulanka oo ah mid xasaasi ah waxaa looga hadlayaa xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan tabashada guddoomiyaha Aqalka Sare ee ku aadan doorashooyinka 2021-ka.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in kulanka oo haatan ka socdo guriga guddoomiye Cabdi Xaashi la doonayo in lagu qanciyo sidii uu u aqbali lahaa qaadashada 5-ta xubnood ee laga siiyey guddga farsamada ee loo saarayo xallinta arirnta xubnaha gobolada woqooyi.

Sidoo kale guddoomiyaha Aqalka Sare oo qaadacay ka qeyb-galka xirtaanka shirka wada-tashiga Muqdisho ayaa waxaa la rabaa in lagu qanciyo inuu ka qeyb-galo shirkaasi oo lagu shaacin doono dhammeysitirka heshiiska doorashooyinka ee lagu gaaray Muqdisho.

Shirka socda waxaa goobjoog ah Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Sheekh Sharafiif Sheekh Axmed, Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Mudae Xasan Cali Kheyrre, Musharrax madaxweyne Cabdikariin Xuseen Guuleed, Musharrax Shariif Xasan Sheekh Aadan, xildhibaano ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka iyo mas’uuliyiin kale.

Arrinta Somaliland ayaa ka mid ah qodobada sida weyn la’isugu hayo ee doorashooyinka Soomaaliya, waxaana soo shaac baxay khilaaf cusub oo u dhexeeya labada garab ee ay kala hoggaaminayaan ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka iyo guddoomiyaha Aqalka Sare.

Is mari-waaga ka taagan doorashooyinka Soomaaliya ayaa qaatay muddo dheer, waxaase hadda muuqdo isku soo dhowaasho laga sameeyey inta badan arrimaha la’isku hayey, iyada oo haatan dalka uu galayo marxalad doorasho iyo tartan u dhexeeyo musharraxiinta.