Yaa magacaabaya guddiga xalka kama dambeysta ah ka gaaraya arrinta Gedo?

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka doorashada ee ka socda magaalada Muqdisho ayaa waxaa heshiis looga gaaray qoddobadii ugu adkaa ee horyaalay madaxda shirsan, gaar ahaan xiisada Gedo oo markii hore si gaar ah uga dhaxeysay madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Farmaajo iyo madaxweynaha Jubbaland.

Shirweynaha ayaa isku raacay in arrinta Gobolka Gedo lagu dhameeyo “in la qaato soo jeedintii guddigii farsamada ee ku shiray magaalada Baydhabo”, kaasi oo dhigayay in la magacaabo guddi dib u heshiisin ah oo xal kama dambeys ah ka gaara xiisada iyo in Axmed Madoobe uu maamul cusub u magacaabo.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, ra’iisal wasaare Rooble iyo madaxweyne Axmed Madoobe ayaa guddiyo gaar ah u xil saari doona si ay arrintaas oo muddo jiitameysay xal kama dambeysa ah uga gaaraan.

Labada mas’uul ayaa magacaabaya guddi isku dhaf ah oo arrintaas xal kama dambeys ah ka gaara, maadama ay xiisada gobolkaas qeyb ka tahay khilaafka doorashooyinka muddo dhaafay.

Sidoo kale waxaa intii uu socday shirweynaha doorashada la isla qaatay in guddiga doorashooyinka ee muranka badan ka taagan yahay lagu bedelo guddiyo cusub oo kalsooni ka haysta dhamaan dhinacyada oo dhan.

Waxaa dib loogu noqonayaa sida ay xogtu sheegayso guddiga doorashada ee maamul goboleedyada, ayada oo ay jiraan qoddobo cusub oo lagu darayo heshiiska cusub ee qalinka ku duugayaan madaxda dowladda federaalka, maamul goboleedyada iyo gobolka Benaadir.

Waxaa xusid mudan in booska madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo saxiix ku lahaa heshiisyadii hore lagu badalay ra’iisal wasaare Rooble oo asagu la wareegay arrimaha doorashooyinka iyo amniga.

Heshiiska lagu wado inay qalinka ku duugaan Rooble iyo saxiixayaasha kale ayaa soo af-meeraya is-mari-waa qaatay muddo badan, kaasi oo jawhareer siyaasadeed iyo mid amniba geliyay dalka.