Yaa soo xiraya shirka wada-tashiga doorashooyinka?

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa ka socota qaban qaabadii ugu dambeysay ee munaasabadda lagu soo xirayo shirka arrimaha doorashooyinka ee maalmihii lasoo dhaafay ka socday Teendhada Afisyoone oo ku dhex-taallo xerada Xalane.

Munaasabaddan oo sidoo kale lagu saxiixayo heshiiska doorashooyinka ayaa waxaa ka qeyb-galaya madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday, ra’iisul wasaaraha xilka sii-haya, guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, hoggaamiyeyaasha shanta maamul goboleed, guddoomiyeyaasha labada aqal ee baarlamaanka, xubnaha midowga musharraxiinta mucaaradka, danjireyaasha dalalka caalamka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka.

Sida lagu sheegay jadwalka xafladdan waxaa munaasabadda furayo ra’iisul wasaare Rooble, iyada oo kadib lagu dhawaaqi doono dhammeystirka heshiiska doorashooyinka ee ay wada gaareen dowladda federaalka ah, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Waxaa kale oo shirka khudbado ka jeedin doono dhammaan hoggaamiyeyaasha maamul goboleeyada, guddoomiyaha gobolka Banaadir, guddoomiyeyaasha labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya, xubnaha midowga musharraxiinta mucaaradka, iyadoona uu ugu dambeyn soo xiri doono madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo).

Heeshiiskan dambe ayaa ku yimid, kadib dadaal xoogan oo uu sameeyey ra’iisul wasaare Rooble oo isagu la wareegay maamulka doorashada, kadibna Muqdisho isugu keenay madaxda Soomaaliyeed, si xal looga gaaro doorashooyinka Soomaaliya ee 2021-ka.

Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in heshiiskan uu noqonayo inta badan is-afgaradkii guddiyada farsamada ee Baydhabo 15-16-kii February 2021-kii.

Sidoo kale ka qeyb-galayaasha shirka wada-tashiga qaran ee doorashooyinka ayaa isla gartay in wixii heshiiska kasoo noqda ee fuli waaya ay go’aan ka gaaraan saxiixayaasha.

Si kastaba, dhaqan-galka heshiiskan ayaa meesha ka saari doono is jiid-jiid muddo ka taagnaa doorashada oo ay isku hayeen dowladda, dowlad goboleedyada iyo mucaaradka.