Guddoomiye Cabdi Xaashi oo ‘lagu qanciyey’ saxiixa heshiiska doorashooyinka

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kulan u dhexeeyey guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullahi iyo xubnaha Midowga Musharraxiinta Mucaaradka oo maanta ka qabsoomay gudaha magaalada Mqudisho.

Kulanka oo ka dhacay guriga Cabdi Xaashi ayaa waxaa diirada lagu saaray sidii looga qancin lahaa tabashada uu ka qabo doorashooyinka, ugana qeyb-geli lahaa xirtaanka shirka wada-tashiga ee maalmihii lasoo dhaafay ka socda Teendhada Afisyooni.

Wararka qaar ayaa sheegaya in xubnaha Midowga Musharraxiinta oo ay horkacayeen madaxweynayaashii hore ee dalka ay ugu dambeyn ku qanciyeen guddoomiyaha Aqalka Sare inuu qeyb ka noqdo munaasabadda lagu saxiixayo heshiiska doorashooyinka 2021.

Intii uu socday shirkan gaarka ah waxaa goobjooga ahaa Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Sheekh Sharafiif Sheekh Axmed, Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Mudae Xasan Cali Kheyrre, Musharrax madaxweyne Cabdikariin Xuseen Guuleed, Musharrax Shariif Xasan Sheekh Aadan, xildhibaano ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka iyo mas’uuliyiin kale.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in tabashada gaarka ah ee uu qabo Cabdi Xaashi la tix-gelin doono, isla-markaana si guud loo xalinayo.

Cabashada guddoomiyaha Aqalka Sare iyo xalinteeda ayaa waxaa soo dadajiyey, kadib markii xalay uu shaaciyey in uusan qeyb ka aheyn heshiiska doorashooyinka ee lagu gaaray Muqisho, maadaama uusan metaalad ku laheyn shirka lagu soo xirayo Afisyooni.

Khilaafkan ayaa sidoo kale soo xoogeystay, kadib markii uu Cabdi Xaashi ka biyo diiday qaadashada 5 xubnood oo laga siiyey guddiga farsamada ee xubnaha gobolada woqooyi.

Wada-hadallada doorashooyinka ee lasoo xirayo ayaa soo af-jaraya khilaaf bilooyinkii lasoo dhaafay ka taagnaa doorashadan oo ay isku hayeen dowladda iyo dowlad goboleedyada.